Barnaamij Lagu Daadejinayo Addeega Caafimaadka Ee Saddex Degmo Oo Lagula Kala Wareegay Hargeysa

0
361

Dardaarankii Madaxweyne Ku xigeenka, Dabuubtii Wasiirka Caafimaadka Iyo Dareenkii Maayarrada

 

 

By. Khaalid Xabsi

 

Hargeysa (Dawan) Wasaarada Caafimaadka Somaliland iyo Maayarada sadexda degmo ee Berbera, Boorama iyo Burco, ayaa kala saxeexday barnaamij lagu fududayn  doono baahiyaha caafimaadka ee degmooyinkaasi, kaas oo qayb ka ah Mashruuca maamul daadejinta dawladaha hoose ee loo soo gaabiyo (GPLG).

 Kulan heshiiskan lagu kala saxeeday oo shalay ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada ayaa waxa goob-joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), Wasiir ku xigeenka Wasaarada arrimaha gudaha Cismaan Garaad Soofe, Maayarrada sadexdan degmo ee heshiiskan saxeexay iyo masuuliyiin ka socday hay’ada UNICEF.

 Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo kulankaasi ka hadlay ayaa Maayarrada sadexda degmo kula dardaarmay inay barnaamijkan uga faa’iideeyaan bulshada, waxaanu yidhi “Waxaynu iskugu nimid maanta (shalay) inaad halkan ku saxeexdeen sidii adeegayada bulshada hoos loogu sii dhaadhicin lahaa, waana markii labaad ee ama qaybtii labaad ee adeegan dawladaha hoose hoos loo daadajinayo oo halkan lagu saxeexay aad baan runtii ugu farxsan nahay , iyada oo ay innoo hirgashay sadexdan degmo ee maanta saxeexaya maamul daadajinta caafimaadka oo hore loogu daadajiyay maamul daadajintii waxbarashada oo wax badanka bedashay sadexdaa degmo ee loo dhaadhiciyay, kan caafimaadkana waxaan rajaynayaa oo aynu hore ugu socono siyaasadii guud ee ahayd maamul daadajinta Somaliland oo degmooyinka mashruuca GPLG-gu ka shaqeeyo aynu gaadhsiin doono  degmooyinka kalena aynu gaadhsiin doono inta awoodeennu inoo ogolaato. Waxaan dhammaan idinku boorinayaa in hawshaa aad la wareegteen haddii aad tihiin Guddoomiyayaashii degmooyinka in xilkaa aad si waajib ah u gudataan oo is bedal iyo u dhawaanshaha adeega laga dareemo degmoomiyinkaa.”

 Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ayaa Guddoomiyayaasha sadexdan degmo ee saxeexay mashruuca maamul daadajinta ku booriyay inay dardar geliyaan socodsiinta mashruucaasi, waxaanu yidhi “Maamul daadajinta macnaheedu waxa weeyaan hawl fududayn, culays weyn oo na saarnaa ayaanu idin dhiibnay, waxaanan filayaa inaad masuuliyad weyn iyo dedaal aad muujin doontaan hawshaas caafimaadka. Wasaarada door bay ku leedahay sida heshiiska ku cad oo qaybteeda waanu ka soo baxaynaa, waanan idinla shaqaynaynaa inta hore ee aad adkaanaysaan.”

 Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arrimaha gudaha Cismaan  Garaad Soofe, oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in mashruucan GPLG-gu uu ka shaqeeyo 49 wadan oo ay Somaliland ka mid tahay, waxaanu yidhi “Mashruucan waxa uu ka shaqeeyaa 49 dal, dalalka uu ka shaqeeyo waxay gaadheen  horumar aad u wanaagsan oo wixii Hargeysa ku xidhnaa haddii loo geeyo Berbera oo siday aynu garanayno MCH-ka yar ee tuullo ka dhisan wixii ka dhaca  Maayarku markiiba uu gaadhayo inta Wasaarada la soo wargelin lahaa, runtii marka xaqiiqada laga hadlo annaga guul bay noo tahay fahamka iyo sida loo qaatay.”

 Sidoo kale Maayarrada saxeexay barnaamijkan ayaa sheegay inay fulinayaan wixii masuuliyaddoodu tahay ee barnaamijkan ku saabsan.

 “Waxa iga dardaarn ah hawsha Wasaaradu halkii ay gaadhsiisay in hore looga sii wado, oo anaguna halkaa ka sii wanaajino.” Ayuu yidhi Maayarka Boorama Saleebaan Xasan Xadi

 Maayarka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan oo ka hadlay xafladaasi waxa uu yidhi  “Waxaan ILAAHAY ka baryaynaa in aanu noqono kuwa hanta hawshaa hada loo yagleelay inay gacanta ay ku hayaan, noqonana kuwa lagu daydo.”

 Maayar ku xigeenka Burco Muxumed Xasan Jaamac, oo isna kalmadiisa ka dhiibtay kulankaasi waxa uu yidhi  “Waxaanu halkan ka cadaynaynaa ka maamul degmo ahaan in aanu diyaar u nahay wax alaalle iyo wixii qaybtayada ah, iyada oo aanu tii hore fulinay kana aanu ka qaybtayada ka qaadanayno.” 

Dhinaca kale Madaxa  xafiiska maamul daadajinta Madaxtooyada Somaliland Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo isagunka halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay sidii loo dardar gelin lahaa mashruucaasi.

Leave a Reply