Badhasaab Ramaax Oo Ka Waramay Isku-day Dil Oo Lagu Bar-tilmaameedsaday

0
381

By: Khaalid Xabsi

Ceerigaabo (Dawan)- Guddoomiyihii hore ee gobolka Sanaag, islamarkaana dhawaan madaxweynuhu u magacaabay guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa ka hadlay isku day dil oo deegaanka Ceeryaan oo ka tirsan Sanaag ay kula beegsadeen koox hubaysani, waxaanu tilmaamay in afar ka mid ah raggii weerarka kusoo qaaday ay ciidamadaammaanku gacanta ku dhigeen.

Guddoomiye Ramaax oo dhacdadan  warbaahintu ay wax ka weydiisay, waxa kale oo uu sheegay in isku daygan dil ee lala beegsaday uu ahaa mid qorshaesan oo la doonayay in lagu khaarajiyo, isaga oo arrimahaasi hadlayay, waxa uu yidhi, “Run ahaantii maanta (shalay), waxaan ku sugnaa degmada Ceerigaabo ee magaalo madaxda gobolka Sanaag,  halkaasoo aan kaga qaybgaly munaaasibadii xilka guddoomiyenimo ee gobolkaasi aan ugu wareejinayay guddoomiyaha cusub ee gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falay. Haddaba markii ay noo dhamaatay xafladii xil-wareejintu ayaa waxa abbaaro saddexdii galabnimo aanu ka soo baxnay aniga iyo guddoomiyaha cusub ee gobolka Sanaag, magaalada Ceerigaabo waxaanan  u jihaysnayn dhinaca deegaanka  lagu magacaabo Ceeryaan ee ka tirsan degmada Ceerigaabo, halkaasoo sidii qorshahayagu ahaa aanu laba beelood oo hore dhiig u kala galay aanu magtii oo loo balansanaa ugu kala qaadno .”

Maxamuud Cali Saleebaan waxa uu sheegay in afar ka mid kooxdii weerarka ku soo qaaday ay ciidamada boolisku gacanta ku dhigeen, waxaanu yidhi “Sidii haddaba aanu jidkaasi u soconay ayaa baabuur dhinaca naloogu dhufan gaadhay, baabuurkayagii kadib na jidka ayaanu uga baxnay, waxaana markiiba na soo gaadhay taliyihii qaybta ee gobolkaasi Sanaag Gaashaanle Cabdirasaaq Yuusuf Maxamuud (Afeer) oo ay wehelinayaan ciidanka ammaanku ka dib, waxa ay rasaas ooda kaga dhigeen baabuurtii booliska, iyada oo ciidankuna xabado ay ku rideen, wax yar kadibna nimankii way baxsadeen, balse ciidanka ayaa ka hadhi waayay waxaanay ugu dambayntii gacanta ku soo dhigeen afar nin oo hubaysan.” 

Guddoomiye Ramaax sidoo kale waxa uu sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid qorshaen oo la doonayay in lagu khaarajiyo, waxaanu yidhi “Runtii may ahayn  iyagu beesha wax laga dilay, waxa wax iska dilay waxa weeye Habar Yoonis dhexdeeda raggani na waxa weeyi Habar Jeclo oo Biciido ah, runtii waxaan ka shaki qabaa in arrintani oo ahayd fal si wanaagsan loo qorsheeyay, oo aan u malaynayaa inay lug ku leeyihiin rag masuliyiin ah oo hore xilal uga soo qabtay gobolkan Sanaag, balse hadda ma rabo in aan ka hor dhaco baadhista, balse marka ay ii cadaato ayaan uga warami doonaa saxaafadda cida ay yihiin iyo sababta keentay falkan.”

Leave a Reply