Maalin ayaa Laba Nin oo budhcad ahi eryadeen Wiil yar, Wiilkii siduu uu Ordaayey wuxuu arkey goob guri ah oo lagu Dhuuman karo. Guriga Hortiisa waxaa Fadhiyey Oday Waayeel ah, Wiilkii wuxuu Odaygii ku yidhi: Adeer waa lay eryanayaa waxaan doonayaa inaan Halkaan ku Dhuunto, Odaygii uma jawaabin, Wiilkii wuxuu iska galay Meeshii, si uu uga Dhuunto Labada Nin ee eryanayay, ayaa Odeygii oo meeshii iska Fadhiya soo gaadhay iyagoo Raadinaaya Wiilkii. Odaygii ayay ku yidhaahdeen : Adeer Wiil yar oo Ordaaya Halkaan ma soo Maray, Odaygii ayaa ugu jawaabay: Haa, wuxuuna ku Dhuuntay Gurigaas. Wiilkii ku Dhuumanaayey Guriga aad ayuu u Naxay Cabsi badana wey ku dhacday. Labadii Nin waxay u qaateen been oo u doonayo inuu ka reebo ama dadka guriga ku jira ay dagaal la galaan. Weyna iska Tageen oo Raadiskoodii iska wateen. Markii ay fogaadeen ayaa waxaa soo baxay Wiilkii yaraa, isagoo Xanaaqsan wuxuuna ku yidhi: “Adeer Adigu Naxariis miyaanad lahayna, miyaadan ii Damqaneynin? Maxaad ugu Sheegtay meesha aan ku Dhuuntay?”, Odaygii ayaa ugu Jawaabay Hadal Xikmadeysan isagoo yidhi:- “ Haddey Beentu wax Badbaadineyso, Runtuna way Badbaadisaa”, haddii aan Been u Sheegi lahaa, Dembi ayaan geli lahaa , adiguna waxa laga yaaba inaanad badbaadeen. Ogow Runta waa Waddada lagu nabadgelyada.