SHANTA NIN EE UGU TAAJIRSAN DALKA PAKISTAN IYO QADARKA LACAGTA AH EE AY LEEYIHIIN

0
475

Badweynta dhaqaalaha ayaa ah mid midaad aragtaaba ay ta kale ka yaab badan tahay, waxaynu qoraaladeenan Xulashada Dhaqaalaha kusoo qaadanaa mawduucba mawduucuu ka soo jiidasho badan yahay kuwaas oo lagu daabaco mareegaha ka hadla arrimaha dhaqaalaha.
Waxaynu kusoo qaadanaynaa qormadan shanta nine e ugu taajirsan dalka Pakistan qadarka lacag ah ee ay haystaan, waxaanay kala yihiin:
1.Ninka ugu qanisan ayaa lagu sheegay inay ku wada jiraan laba nin oo kalaah Shaahid Khan isagoo ah nin ganacsade ah iasgoo ka ganacsada baabuurta waxaana hantidiisa lagu qiyaasay inay tahay $5 Billion (Shan bilyan oo doolar) iyo Mian Muhammad Mansha  oo ah mulkiile warshadeed iasgoo hantidiisa lagu qiyaasay inay dhan tahay $5 Billion (Shan bilyan oo doolar)

  1. Ninka kaalinta Labaad ku jira ee ugu qanisan dalka Pakistan ayaa lagu magacaabaa Asif Ali Zardari kaas oo hantidiisa lagu sheegay inay tahay $1.8 Billion (Hal bilyan iyo Sideed boqol oo Milyan oo doolar. waxaanu sidaas ku noqday ninka Saddexaad ee ugu taajirsan Dalka Pakistan sannadka 2015-ka.
  2. Ninka kaalinta Saddexaad ku jira ayaa ah Anwar Pervez kaas oo hantidiisa lagu sheegay inay tahay $1.6 Billion (Hal Bilyan iyo Lixboqol oo Milyan oo doolar. ninkan ayaa ah nin ganacasde ah oo ganacsiyo ku leh dalalka Pakistan iyo Britain.
  3. Ninka kaalinta Afaraad ku jira ayaa ah Mian Nawaz Sharif kaas oo hantidiisa lagu qiyaasay inay tahay $1.4 Billion (Hal Bilyan iyo Afar boqol oo Milyan oo doolar) hantidan ayaa la sheegay inay tahay hanti uu dhaxal ahaan u helay isagoo kasoo jeeda qoys maal qabeen ah.
  4. Ninka kaalinta Shanaad ku jira ayaa ah Sadruddin Hashwani kaas oo hantidiisa lagu qiyaasay inay tahay $1.1 Billion (Hal Bilyan iyo hal milyan oo doolar) isagoo ah nin taajir ah.

 

Leave a Reply