“Cida Tidhi Golaha Wakiiladda Ha La Kala Diro Waa Nin Dalka Burbur La Doonaya”

0
408

Hargeysa (DAWAN)- Guddoomiyaha guddi hoosaadka difaaca iyo nabadgelyadda ee Golaha Wakiilada Somaliland  Md. C/kariim Aw Cali Shabeel, ayaa sheegay in aanay u cuntami Karin shacbiga Somaliland hadalkii dhawaan ka soo yeedhay guddoomiye C/raxmaan Cirro ee uu ku sheegayay in la kala diro Golaha Wakiilada iyo xukuumadda, waxaana uu tilmaamay in dhawaaqaasi ahaa mid waxyeelaya qaranimadda iyo nabadgelyada dalka.
Xildhibaan Shabeel oo shalay u waramayay wargeyska  DAWAN,  ayaa waxa uu u soo jeediyay xisbiyadda mucaaridka in ay ka waantoobaan hadalada mas’uuliyad darrada iyo durbaanada  beenta ah ee ay tumayaan, waxaana uu xusay  in doorashooyinka  lagu gaadhi Karin hanjabaad iyo jahwareer siyaasadeed oo dalka laga abuuro.
 
“Hadalkii  ka soo yeedhay Guddoomiye C/raxmaan Cirro,  waxa aan u arkaa in aanu ahayn hadal ka soo yeedha nin mas’uul ah, sababtoo ah goleyaasha qaranka iyo xukuumaddu sharci ayay ku yimaadeen, wayna ku fadhiyaan cida leh ha la kala diro Golaha Wakiilada iyo xukuumadda waxa aan u arkaa in ay yihiin cid ka soo horjeeda xasiloonida iyo qaranimadda Somaliland, doonaysana inuu dalku burburo,”ayuu yidhi Xildhibaan C/Kariim Aw-Cali Shabeel, isagoo hadalkiisa sii watay na waxa uu yidhi
 
“Doorashadda qabashadeedana mid afduub iyo laab la kac lagu qabanayo maaha ee wakhtiga ay wax suuragalaan ee Komishanka doorashooyinku  yidhaahdaan way suuragalaysaa qabashadda doorashooyinku  ayaa la gali karaa, laakiin laguma gali karo han-jabaad iyo durbaano beenna oo la tumo mana aha wax macno samaynaya oo sharci ku fadhiya oo dalka iyo shacbiga u cuntami kara maaha, waxaanan soo jeedinayaa in dalka laga daayo jah-wareerka iyo hadalada mas’uuliyad darrada ah.”
 
Xildhibaan Shabeel waxa kale oo uu tilmaamay in aanay qumanan in guddoomiye Ciro ku tiraabo in la kala diro golaha wakiilada iyo xukuumadda, waxaana uu yidhi “Waxaan leeyahay in nin mas’uul ah arrin burbur ku keeni karta ku  hadaaqo maaha.Anigoo ixtiraam u haya guddoomiyaha Golaha Wakiilada laakiin waxa aan leeyahay hadalkaasi  muu ahayn hadal  kuu  qalmayay.”
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply