Nin reer Miyi ah oo laba xaas lahaa , ayay midkood dhashay wiil, tan kalena gabadh. Gabadha wiilka dhashay aya aroor kasta soo bixi jirtay iyadoo maqashiinaysa gabadha kale una heesaysa wiilkeed iyadoo ku faanaysa oo lahayd:” Allah mahad leh I siiyay wiil ee aan gabadh I siin, korna u qaaday arinkayga” Way ku celcelin jirtay. Gabadhii kale ayaa dhega hadalkaasi ka cadhootay waxayna u sheegtay ninkeeda. Lakiin ninkeeda aya ku yidhi hadal hadal aya loogu jawaaba waxaad tirsaa gabay uu isagu sameeyay ka dibna subixii ayay gabadhii kale horteeda ka tirisay oo tidhi “ Maxaa ka wanaagsan gabadh aad hesho, waxay la socon xaaladahayga, madaxa way ii maydhi, waxay noqon mid aan weheshado (Markaan da’ noqdo), waxayna noqon mid qaaliya ah oo uu guursado Marwaan ama Mucaawiye (Madaxdii wakhtigaasi) oo laga bixiyo yarad iyo meher badan.” Baydadkaasi gabayga ah aya ku faafay bulshadii. Markii ay inantii weynaatay waxa usoo geed fadhiistay Marwaan oo sheegay in aan la beenayn gabaygii hooyada. Waxa uu ka bixiyay yarad wakhtigaasi ahaa 1000 dirham. Mucaawiye waxa uu yidhi haddii aanu iiga horayn aniga ayaa bixin laha laban laabkiis. Hooyadeedana waxa la siiyay laba kun dirham oo iyada gaar looga dhigay. ( Allah ayaa og wiil iyo gabadh kan wax tarka leh).
Kitaabka Rabiic Al-Abraar ee uu qoray Sh.Samakhshari.