Waxqabadka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ku Talaabsatay

0
448

Tan iyo intii ay wasiir Samsam Cabdi Aadan ay wasiirka ka ahayd wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare waxay wasaaraddu ku talaabsatay horumar balaadhan oo dhinacyo badan taabanaya sida dhismayaal tiro badan oo la dhisay , shaqaale tiro badan oo la qaatay, waxbarashadda dugsiyada H/dhexe oo bilaash laga dhigay, tayada waxbarashadda dugsiyada H/dhexe iyo kuwa sare oo kor loo qaaday, aqoonta macalimiinta oo iyana kor loo qaaday.  Haddaba inaga oo aan qoraalkan iyo ku kale toona kusoo koobi Karin waxqabadka balaadhan ee ay wasiir Samsam  gaadhsiisay wasaaradda mudadii ay xafiiska joogtay bal waxaanu insha allah isku dayi doonaa inaanu qodobadaa aynu kor kusoo xusnay aynu yara kala qaadqaadno.
Dhismayaasha.
Waxa wasaaradda lagu soo kordhiyay dhisme balaadhaan oo laba dabaq ka kooban oo si heersare ah loo qalabeeyay, sidoo kale waxa la dhisay xafiisyada iskuduwayaasha wasaaradda waxbarshadda iyo tacliinta sare ee gobolada dalka oo cusub halka qaarkoodna balaadhin iyo dayactir [extension and rehabilitation] lagu sameeyay, sidoo kale waxa dhismayaasha la hirgeliyay ka mid ah dugsiyo aad  u tiro badan kuwaas oo isugu jira dugsiyada H/dhexe iyo kuwa sare dugsiyadan ayaa iyaguna iskugu jira kuwo cusub, iyo kuwo hore u jiray balse balaadhin iyo dayactir lagu sameeyay sidoo kalena si fiican loo qalabeeyay.
Shaqaalaynta
Waxa wasaaradda mudadii ay wasiir samsam ay joogtay la shaqaaleeyay shaqaale aad u  tiro badan kuwaas    oo ah kuwii ugu tirada badnaa ee la qaato mudadii ay wasaaradda waxbarashadu ay jirtay taas oo waliba la odhan karo waxay wasiir samsam ay wasaaradda ka dhigtay tan ugu shaqaalaynta badan guud ahaan marka la barbar dhigo wasaaraddaha kale mudadii ay xilka haysay xukuumada uu hogaaminaayo madaxweyne Axmed Silaanyo. Hadaba shaqaalahan ayaa waxay iskugu jiraan uguna badan macalimiin, xoghayn [secretaries] darawaliin [drivers] ilaaliyeyaal[watchmen] nadiifisooyin[cleaners] si kastaba ha ahaatee guud ahaan shaqaalaha la qaatay mudadii ay wasiir samsam joogtay wasaaradda ayaa waxay cagacagaynayaan ilaa afar kun oo shaqaale ah.
Waxbarashadda dugsiyada H/dhexe oo bilaash laga dhigay
Waxa iyana xusid mudan in mudadii ay wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ay wasiirka ka ahayd wasiir samsam in bilaash laga dhigay waxbarashadda dugsiyadda H/dhexe.
Iyadoo wasiirku ku guulaysatay in barnaamijkani uu noqdo mid ka hir gala dhamaan dalka oo dhan iyadoo la wada ogyahay sida dhamaan qoysaska danyarta ihi uga faaiidaysteen waxbarashaddan bilaashka ah taas oo waliba keentay  una suurta gelisay in qoysas badan oo dan yar ah oo markii hore aan awoodi karahayn inay caruurtooda dugsiyada u diraan feegii ama lacagtii ardayda laga qaadi jiray awgeed ay  hadda si weyn uga faaiidaysteen waxbarashaddan bilaashka ah, sidoo kalena ay dadka danyarta ihi ay aad u soo dhaweeyeen barnaamijkan maadaama uu barnaamijkani noqday mid aad iyo aad ugu danaynaya mushtamaca danyarta ah.
 
Tayada waxbarashadda dugsiyada H/dhexe iyo kuwa sare oo kor loo qaaday
Sidaynu la wada socono mudadii ay wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare ay wasiirka ka ahayd marwo samsam  waxay wasaaraddu ku dadaashay sidii ay kor ugu qaadi lahayd tayada waxbarashadda dugsiyada H/dhexe iyo kuwa sare taas oo sida inta waxa wanaagsan aan indhaha ka lalinin ay ka markhaati kacayaan la gaadhsiiyay heerkii loo baahnaa.
Si kastaba ha ahaatee wasiirku waxay had iyo jeer u kuurgashaa in manhajka dugsiyada ka baxaa uu yahay kii saxda ahaa ee wasaaraddu ugu talogashay iyo guud ahaan xaaladaha waxbarasho ee dugsiyada iyadoo xafiiska wasiir samsam uu mar walba u furan yahay bahda waxbarashadda taas oo iyana fududaysay in sida ugu dhakhsaha badan loo xalilo wixii ka soo kordho dugsiyada waxbarashadda iyadoo wasiirku ku caanbaxday inay wasiirku ay tahay shaqsi jecel inay dadka dhagaysato.
Aqoonta barayaasha oo kor loo qaaday
 
Waxa iyana sidoo kale kor loo qaaday aqoonta barayaasha wax ka dhiga dugsiyada dowlada haday yihiin kuwa H/dhexe iyo kuwa sareba iyadoo loo furay barnaamijyo lagu dhisaayo korna loogu qaadaayo aqoonta barayaasha taas oo kuwa wax ka dhiga dugsiyada H/dhexe aqoontooda la gaadhsiiyay heer diploma ah, halka kuwa wax ka dhiga dugsiyada sarena la gaadhsiiyay heer degree taas oo sida ay wada arkayaan indhaha caafimaadka qabaa laga dareemay waxbarshada ardayda wax ka barata dugsiyada dawliga ah.
Si kastaba ha ahaatee wasiir samsam ayaa kadib dedaal dheer oo ay u gashay sidii ubadkeenu u heli lahaayeen waxbarasho tayo leh oo la jaanqaadaysa ta ay helaan ardayda dhigooda ah ee wadamada aynu jaarka nahay waxa ilaahay ku guuleeyay in la helo dugsiyo qalabkoodii waxbarasho u dhamaystiranyihiin haystan barayaal ku filan, isla markaana leh aqoontii looga baahnaa si ay inoogu soo baxaan arday aqoontoodu dhisantahay.
Aqoonyahan; Barre Maxamuud Xasan [Bandaaq]
Email;bandaaq-20@hotmail.com
Tel; 0633665183
 

Leave a Reply