Sagaal Faa’iido Oo Laga Helo Quudashada Kalluunka

0
429

Dhamaan waxaynu wadda ognahay sida xaqiiqda ah in wax kasta uu Illaahay (SWT) uu abuuray ay xikmad iyo faa’iidooyin ku jiraan. Iyadoo la doonayo inaynu si fiican uga faa´iidaysano. Ka dibna aynu Illaahay (SWT) aynu ugu mahad-naqno nimcooyinka dusheena uu ku manaystay.
Waxaynu  qormadeenan  ku eegi doonaa faa´iidada uu kalluunku u leeyahay jidhkeena iyo weliba sida ugu wanaagsan ee loo cuni karo.
Inkastay kaluunada oo dhama ay wadda leeyihiin anfacaad badan oo ay ka siman yihiin, inshaAllah week walbana kaluunada mid kamid ah ayaanu isla qaadaa dhigi.
Balse maanta waxaynu ku bibaabanaynaa kaluunka loo yaqaan Salmon. Waana kaluunkan aad sawirka ku arkaysid.
Wuxuu u fiican yahay kaluunkan:
– Maskaxda
– Wadnaha
– Maqaarka
– Difaaca jidhka
– Lafaha.
– Vitamin D
Waxa uu leeyahay kalluunku dufanka looyaqaano Omega-3. Dufankaas oo ah nooca dufanka jidhka u fiican waxtarkana u leh marka la barbar dhigo sida dufanka xoolaha.
Omega-3 waa subaga ka dhasha marka kalluunka la dubo ama la shiilo. Dufanka ayaa waxaa ku jira walxo aad u caawiya ka hortga:
Waxa ku jira protein aad u sareeya oo ka qayb qaata dhisidda iyo isku dheelitirida unugtada jidhka oo dhan.
Waxa ku jira Marine omega-3 fatty acids, oo ka hortaga wadne xanuunka iyo xanuunada la xidhiidha wadnaha.
Waxa kale oo ku jira maadooyin u fiican kobcinta maskaxda. Taasoo kor u qaada , fahamka, xasuusta iyo welieba aragga indhaha.
Waxa ku jira kalluunka Vitamin D, oo ka qayb qaada isku dheelitirka kaalshiyaamka  jidhka, vitaminkan oo caawiya dhisidda iyo daryeelka lafaha.
Waxa kale oo ku jira Selenium oo ah maado muhiim ah oo ka qayb qaadata inay inay la dagaalanto jeermiska kana qayb qaadata nadiifinta gudaha jidhka .
Intaa aynu kor ku soo sheegnay oo dhan waxa  dheer inuu dufanka kalluunku ka qayb qaato:
– Dhisidda difaaca jidhka
– Daryeelka timaha
– La dagaalanka in maqaarku ku qalalo
– Ka hortaga la dagaalanka xanuunka Kanasarka
Haddaba cilmi baadhistu waxay inoo sheegaysaa inuu kalluunka intaasoo faa´iido leeyahay, waxaaanay ku  talisay inay fiican tahay  in qofku ugu yaraan 3 maalmood todobaadkii uu cuno kalluun weliba noocayada dufanka badan leh.
 

Leave a Reply