Cilmi-baadhis Ku Talisay In Carruurta La Siiyo Kalluunka

0
380

Bare sare oo lagu magacaabo Hildegard Bertsrempel oo u dhalatay dalka Jarmalka ayaa ku talisay in carruurtu marka ay yar yihiin la siiyo kalluunka. Aqoonyahanadan ayaa waxay uu ku talisay in todobaadkii laba goor waalidku ay siiyaan 25 ilaa 35 garaam oo kalluun ah, iyada oo ay sheegtay in kalluunku qani ku yahay maadada ’’iodine’’ iyo acid ka dufanka leh ee loo yaqaano ’’Omega 3’’. Oo faa’iido weyn u le koboca caafimaadka maskaxda iyo indhaha.
Hildegard ayaa ah xubin ka mid ah  shabakada lagu magacaabo ’’Caafimaadku waa dariiqa noloshaada’’ oo Jarmal ah ahna ’Pediatrician’’ oo ah dhakhtarka carruurta waxay ku boorisay in waalidku bilowga  hore ay siiyaan carruurtooda yar yar kalluunka aan lahayn dufanka, iyadoo aan la shiilin kalluunka.
Waxay sidoo kale  dhakhtaradan u dhalatay dalka Jarmalku ay waalidka ku dhiirisay inay siiyaan carruurtood kalluunka dufanka leh sida Solmon-ka xiliyo isdaba joog ah.
Dhinac kale waxay carabka ku adkaysay inay muhiim tahay in waalidku kalluunka ay caruurtooda siinayaan gabi ahaanba uu yahay mid aan lafo lahayn, iyadoo ku sheegtay taladan inay tahay si aanun ilumuhu u liqin lafaha kalluunka, taasoo khatar galin karta nolosha caruurta.

Leave a Reply