Baraaruji Awoodahaaga Oo Dhis Mustaqbalkaaga Qore:Dr Ibraahim Fiqi,waxaana turjumay Ismaaciil Tukaale Cigge

0
2313

Buugani oo la magac baxay Baraaruji awoodahaaga oo dhis mustaqbalkaaga waa kitaab ka turjumaaya awoodaha Ilaahay siiyay aadamaha inta ay le’eg tahay,iyo sida ay u moogan yihiin ee ay uga war la’yihiin.
Wuxu kaaga waramayaa caqliga iyo maskaxda Ilaahay ku siiyay mugeedu inta uu le’eg yahay iyo bani aadamku inta ay ka isticmaalaan.
Awoodaheena qarsoon in ka badan boqolkiiba 99%waan la dhimanaa inaga oo aan ka faa’iidaysan,ruuxu haddii uu adeegsan lahaa inta uu dunida joogi lahaa,wuxuu ku noolaan lahaa nolol fiican oo sharaf leh,bulshadiisana wax badan buu tari lahaa,laakin nasiib daro,garasho la’aan awoodahaasi waa ta keentay in guud ahaanba aan ku noolaan nolol xun oo liidata oo waxaa taa kasii daran iyada oo marka la ina waydiiyo sababta aan wax u qabsan waynay ?waxaan ku jawaabnaa:cudurdaaro,tiro badan oo aan ku sababayno wax qabsi la’aanteena,diktoorku cudurdaaradaa wuxuu ugu magac daray Haanbiriigyo sida ka gaadhiga oo kale ah kuwaasoo ruuxa dib u haya oo u diida  wax qabsiga.
Arimaha ugu muhiimsan ee uu diktoorku kaga hadlay waxa kamid ah inuu jiro shay,muhiim ah oo waxaas oo dhan fure u ahwaa garasho iyo fahan,kaas macnahiisu waa inaad fahanto marka hore awoodaada kadibna aad baraarujiso.
Mushkiladu halka ay inaga haysataa waa inaga oo aan ku baraarugsanayn oo aan fahamsanayn awoodeena,taasina waa ta keentay inaynaan adeegsan .
Waxaa kale oo uu ka hadlayaa aaminaada nafta,kalsoonida nafta inay tahay arin muhiim u ah wax qabsigaaga iyo horumarkaaga,wuxuu tusaale u soo qaadanayaa dad fara badan oo awoodohooga  baraarujiyey kadibna horumar aad u wayn noloshooda ka gaadhay.
Adiguna akhristoow haddii aad awoodahaaga  baraarujiso waxaan shaki ku jirin inaad horumar wayn gaadhayso.
Waxaan ilaahay ka baryayaa inuu ilaahay igu arsaaqo ikhlaas iyo niyad wanaagsan oo cid kasta oo kitaabkan akhridana ilaahay ku anfaco.
Ilaahayna naxariistii jano haka waraabiyo diktoor Ibraahim Alfiqi.
 
 
 
 
 
Hordhaca Qoraaga
Sannadkii 1948 kii,koox ulumada baadha macdanta ayaa waxay tageen Afrika,si ay u raadiyaan dhagaxaanta qaaliga ah sida dheemanta,culumadaas waxaa kamid ahaa caalim reer Jabaan ah oo lagu magacaabo Yuki,wuxuu ahaa wiil dhalinyaro ah da’diisu kor u yara dhaaftay  sodon jir,wuxuu ahaa mid xamaasadiisu sarayso oo lagu bartay sabir iyo calool adayg.
Aroortii shanta subaxnimo ayuu toosi jiray,si uu shaqadiisa u bilaabo,taas oo ahayd baadhitaanka macdanta,tobanka habeenimona hoteelkiisa ayuu kusoo noqon jiray,maalinba maalin waxay u dhiibtaba,Yuki wax la taaban karo oo natiijo ah ma gaadhin,wuxuu go’aansaday inuu laba asbuuc ka dib shaqada joojiyo dibna ugu laabto wadankiisii,madaama ay yididiiladiisii ku dhamaatay rajo la’aan .
Tanina waxay ahayd markii ugu horeysay ee noloshiisa uu ka tanaasulo mid kamida hadafyadiisii.
Maalintii u danbaysay Yukii shaqadiisii wuxuu soo gabagabeeyay shantii galabnimo oo uu goostay inuu hotelkiisii dib ugu noqdo,una sheego inuu ka baxay hotelka,wadankiisiina dib ugu noqonayo,intii uu kusii soday hotelka waxaa ka hor yimid wiil yar oo lix jir ah,gacantana ku wata dhagax wayn oo qaabkiisu yahay mid qariib ah.
Wiilkii yaraa wuxuu waydiistay Yuki inuu dhagaxan qaato oo uu kaga badasho waxoogaa xalwada.
Yuki wuu siiyay xalwadii wuuna ka qaatay dhagaxii waynaa ee iftiimayay ,wuxuuna la tagay Huteelkii si uu ugu baadho qalabkiisii u gaarka ahaa ee uu ugu talagalay baadhida macdanta.
Indhihiisu way rumaysan waayeen wixii uu arkay,mar labaad ayuu dib ugu celiyay baadhitaankii,hadana mar kale ayuu ku celiyey baadhidii,ku celcelintaa ayuu ku waday,natiijadii baadhitaankuna waxay noqotay inuu dhagaxii noqday dheemantii ugu waynayd ee intii uu  noolaa arko taas oo qiimaheedu kor u dhaafayso toban malyuun oo dollar!!!!!!.
Intaa kadib Yuki daraasadiisii uu qoray wuxuu ku sheegay:in ilmahaa yari uu haystay hanta aad u badan,laakiin uu ahaa mid aan qiimaheeda garanayn taas oo sababtay inuu ku iibiyo qiimo rakhiis ah.
 
 
 
 
 
 

Leave a Reply