Wasiirka Maaliyada Oo Kormeeray Cusbitaalka Iyo Xarunta Agoomaha Burco

0
367

Burco (Dawan)- Wasiirka wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaalle oo maalmihii u dambeeyay socdaal shaqo ku marayay  gobolada bariga Somaliland, ayaa shalay kormeer ku tagay cusbitaalka guud ee Magaalada Burco, Laybireeriga iyo xarunta lagu xanaaneeyo hablaha agoonta ah ee tabantaabo.
Wasiir Samaalle waxa uu halkaasi warbixino kaga dhagaystay masuuliyiintii goobahaasi uu booqaday, waxaanu sheegay in Xukuumad ahaan wixii baahidooda ah ay wax kala qaban doonaan, waxaanu yidhi “Anagu wixii suurto gal ah waanu idinka caawinaynaa oo sanad walba waanu isla eegaynaa miisaaniyada, waxase aanu dareemaynaa waxyaabo badan oo miisaaniyada idinku jirin ama aan lahayn oo baahiya oo Cusbitaaladeenii iyo dadkeena xanuusanayaa ay u baahan yihiin ayaa runtii jira, taana waanu isla eegi doonaa INSHA ALLAH.”
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay  wax la qabato dadka agoonta ah iyo kuwa jilicsan, waxaanu yidhi “Xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo  waa xukuumad u shaqaynaysa danyarta iyo dadka jilicsan, agoomihu meel kasta oo ay joogaan waxa weeyaan in aanu mudnaanta koowaad siino, farxad weyn baanay ii tahay in aan idin soo booqdo ka dib markii aanu gobolka Togdheer nimid oo wafti Wasaarada Maaliyada ka socdaa ay yimaadeen gobolka, waxaan maanta fursad isku helnay in aanu Laybireeriga iskugu nimaadno oo idinla eegono. Waxaanu jecelnahay in Laybireeriga Burco in aanu qayb weyn ka qaadano, hadday tahay dhismihiisa iyo hadday tahay qalabayntiisaba waanu idin kala qayb qaadanaynaa.”
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply