Computers-ka Laptop-ka Oo Qaab Cusub Loo Dejiyey Sannadka 2020

0
409

Khubaro ah kuwa soo saara qalabka Computers-ka iyo Mobiles ka ah ayaa wada qorsheyaal cusub oo ay ku doonayaan inay qaabka kaga bedelaan qalabyada dhinaca Technology-ga ee Computers-ka iyo sidoo kalena Mobiles ka oo ah kuwa ugu badan ee aadka loo adeegsado maanta caalamka.
Waxaana Madaxa khubarada laysugu keenay lasoo dhigay  su’aalo dhawr ahaa,kuwaas oo ay kamid ahaayeen siday qalabkaasi u ekaanayaan,iyo siday u shaqayn doonaan toban sanno ka dib qalabkaasi,taas oo ay sheegeen inay jawaabohoodaasi adkaadaan marka la eego horumarka balaadhan ee ay maanta ku socdaan qalabkaasi.
Mid kamid ah khubaradaasi oo lagu magcaabo Hiromi Kiriki ayaa sameeyey qaabab cusub oo loo samayn doono qalabkaasi  Eletronics-ka ah,gaar ahaana Computers-ka iyo Mobiles ka intaba,kuwaas oo  loogu talo galay in qaab ahaan uu ugu horeyn soo baxo sannadka 2020.
Computers-ka ayaa noqon doona qaar u samaysan qaabka saacada oo kale ,kuwaas oo marna la xidhan doono marka loo isticmaali doono habka saacada oo kale ah,kaas oo lagu magcaabo Txoar,taas oo gacanta lagu xidhan karo.
Computers-kan ayaa noqonaaya mid ku shaqaynaaya  waxyaalo ka samaysan OLED,kuwaas oo iyada lafteeda qaybo cusub loo soo saari doono,waxaana qaybsanaaya mashruucaasi  shirkaddo kala duwan,iyada oo ay qaybtii ugu horeysay ay qaadatay shirkadda lagu magcaabo Ksamsonj,waxaana loo samaynayaa Keyboard gacanta lagu qaadan karo iyo mid la hoos gelin karo labadaba.
Waxa kale oo uu wadan doonaa Computerkaasi Printer u gaara ,kaas oo isna soo saari doona sida kuwa caadiga ah ,iyada oo lagu talo jiro in loo sameeyo mid hoose,shirkadda  ugu horeysa ee  qalabkeeda u bedelaysaana waxay  noqon doontaa shirkadda SONY.
 
 

Leave a Reply