“Doorasho Ninka Maanta Wad-wadaa Waa Nin Kicin Wada Doorasho Wakhtigeedii Lama Gaadhin”

0
340

Hargeysa(Dawan):-Guddoomiyaha Golaha  Guurtida Somaliland  Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa   caddeeyay in aanay jirin wax ku saabsan  dib u dhac ku yimid doorashooyinka oo soo gaadhay aqalka odayaasha oo ay u soo gudbiyeen Madaxweynaha iyo komishanka doorashooyinku midkoodna.
Guddoomiyaha Guurtidu waxa  kale oo uu  intaa ku daray in marka xiligeeda la gaadho doorashooyinka Qaranku iskaga  iman doono ka  wada tashan doono lana mari doono dariiqa sharciga ah  oo ah ku dhaqanka Dastuurka Somaliland.
Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo shalay warbaahintu waydiisay arrimaha doorashooyinka waxa uu yidhi  “Doorashada dee maxaan ka Odhan?, Doorashooyinka ninka maanta wad-wadaa waa nin kicin wada. Doorasho wakhtigeedii ma joogto, marka la gaadho wakhtigeeda haddii la qaban kari waayo,markaas bay leedahay ka tashi laakiin, maanta waxaa aan arkayo ee Jaraa’idkii iyo Mucaaradkiiba lagu waashay, aniga iima taallo Golahayagana uma taallo”
Guddoomiyaha Guurtidu wuxuu ku sifeeyay dadka wakhtigan arrimaha doorashada ka hadlay rag wax kharbudaya ama is muujinaya.  “Wakhtiga doorashada hala gaadho, markaa Qaranku waa tashanayaa, Waddadiisana waa yaqaan Qaranku uu u marayo oo wuxuu leeyahay Sharci iyo Dastuur uu u maro, dastuurkaas iyo Sharcigaas ayuun baa loo raacayaaye Ninkii wax kale ku riyoodaa isagaa cirka caano ku Og ee Maxaa saska looga qabayaa”. Ayuu yidhi Guddoomiyaha Guurtidu
Ugu dambayn waxaa uu guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan uu caddeeyay in aanay jirin wax ku saab san arrimaha dooorashooyinka oo soo gaadhay golaha Guurtida oo ka yimi Madaxweynaha iyo Gudiga Doorashooyinka midnaba,waxaanu yidhi “Guddidii doorashadu annaga waxba nama odhan, Madaxweynihuna  nama odhan waxba, Maxaad annaga afka nooga qoryo-qoryaynaysaan, markay xaggaaas ka soo dhamaato ayuun bay Guurtida timaadaaye dee ha la gaadho”
Hadalka Guddoomiyaha Guurtida Somaliland,ayaa meesha ka saaraya hadal hayn ay muddooyinkii ugu dambeeyay mucaaridku hadal hayeen kuna sheegayeen in xukuumaddu dalbatay muddo kordhin in ay u samayso Guurtidu taasoo noqotay war aan jirin.
 Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply