Guddoomiyaha Cusub Ee Awdal Oo Ka Hadlay Tallaabooyinka Uu Qaadayo, Baaqna U Diray Shacbiga

0
422

Boorame (Dawan)- Guddoomiyaha cusub ee gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa ka war bixiyay qorsshayaashiisa cusub ee uu  kaga hawl galayo gobolka iyo meelaha ugu horreeya ee uu shaqadiisa ka bilaabi doono.
Guddoomiyaha cusub ee gobolka Awadal Mudane Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax waxa kale oo uu ugu baaqay guud ahaan bulshada ku dhaqan magaalada Boorame in ay ka qayb qaataan kana wada shaqeeyaan adkaynta  nabad gelyada iyo arrimaha amniga.
Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Dawan, ugu horrayn isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Run ahaantii Gobolka Awdal xaaladiisa nabadgelyo aad bay u wanaagsan tahay, sidii awalba looga bartay ee uu ahaan jiray ayuu  yahay, wax iska bedelay haba yaraatee ma jiraan.
Magaalada Boorama, waa magaallo aad iyo aad u nab-doon, waa magaallo uu horumarku ka socdo oo shacabka ku dhaqan run ahaantii waa shacbi aad u wanaagsan oo ka wada shaqeeya ilaalinta nabada iyo oo u taagan sidii ay u horumarin lahaayeen magaalada iyo gobolkaba .”
Guddoomiye Ramaax sidoo kale mar aanu wax ka waydiinay waxyaabaha u qorshaysan ee uu haatan rabo in uu ka fuliyo magaalada Boorama iyo guud ahaan gobolka Awdal ayaa waxa uu ku jawaabay ‘’Kollay aniga Qorshahaygu waa mid aad u ballaadhan, in kasta oo aanan  soo koobi karayn, waxa aan rabaa in aan ka qabto gaar ahaan Magaalada Boorama ee caasimada gobolka Awdal in aan wasaarad kasta xafiiskii ay ku lahayd gobolka aan ka shaqaysiiyo hadayna lahayn meel ama goob u gaar ah si aan  uga hirgalin lahayn inaan ka furno gobolka.”
 
 
 
“Sidoo kale marka la eego dhinaca horumarka, waxaan rabaa in aan isbedal ballaadhan aan ku sameeyo gobolka insha ALLAAH,  waad-na arki doontaan in aan wax badan aan ka bedali doono gobolka iyo magaalada Boorame ba,” ayuu yidhi guddoomiyaha cusub ee gobolka Awdal Mudane Maxamuud Cali Saleebaan Ramaac.
Ugu Danbayntii Badhasaabka ayaa waxa uu farriin u diray shacbi waynaha ku dhaqan gobolka Awdal, waxaanu ugu baaqay in ay kala qayb qaataan wax qabadaka iyo horumarka gobolka, gaar ahaan adkaynta nabadgeliyada iyo arrimaha amaanka ee gobolka waxaanu yidhi “Shacabka reer Awadal, gaar ahaan reer  Boorama, waxaan leeyahay gacmo wada jir bay wax ku  gooyaan ee aan wax wada qabsanno, aynu u soo jeesanno horumarka iyo sidaan ula tartami lahayn gobolada kale ee Somaliland, una noqon lahayn gobolka wax kasta ugu horreeya gobolada kale waxaan idiin ku baaqayaa dhamaantiinba in aan ka wada shaqayno horumarka gacmahana aynu is haysano.”
By:Nuuradiin Cabdilaahi Dugsiiye
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply