Wiil Hindi ah Oo Lugtiisu Noqotay 5Kg

0
402

Wiil yar oo u dhashay dalkaasi Hindiya ayaa noqday qofka ugu lugta weyn caalamka,iyada oo la sheegay inuu ku dhacay xanuun waqti uu wiilkaasi jiray 4 sanno, iyada oo marba marka ka dambaysa sii weynaanaysay lugtaasi,waxaanay noqotay ugu dambayntii 5 kg culays ahaan.
Wiilkan yar ee reer Hindiya ayaan ciyaari Karin,lugtiisuna ka wayentahay tiisa kale iyo ta dadka caadiga ah intaba,iyada oo ay ku adkaatay inuu sii wado waxbarashadiisii,isaga oo waqtigan noqday mid ku sugan oo aan dhaafin xaafadooda.
Wiilkan ayaa lagu magcaabaa Verdant Joshi ,waxaanu ku nool yahay gobolka Gujarat oo ku yaala galbeedka wadanka Hindiya,iyada oo ay waxba u qaban kari waayeen dhakhaatiirta wadankaasi,kuwaas oo xanuunkiisan ku tilmaamay mid aan hore loo arag ,ayna adag tahay in la daweeyaa ama wax loo qabtaa.
Warbixintan oo lagu daabacay wargeyska lagu magcaabo Daily Mail oo kasoo baxa wadankaasi Ingiriiska,ayaa sidoo kale lagu waraystay wiilkaasi Aabihii Dilip Kumar,kaas oo jira 30 sanno,waxaanu sheegay inuu rajaynaayo in maruun la helo dhakhtar daweeya wiilkiisan,sidoo kalena uu rajo weyn ka qabo  inuu maruun arko wiilkiisa oo socda .
Macalimiinta madarasada ayaa iyaguna dhankooda diiday inay wiillkaasi qoraan madarasada ,taas oo ay sabab uga dhigeen in aanu socon Karin waqtigana kasoo gaadhi Karin,sidoo kalena uu dhibaato kala kulmi karo  caruurta halkaasi  ku sugan ama madarasada dhiganaysa.
 

Leave a Reply