Shirkadda Microsoft Oo Soo Saaraysa Talefoono Qaybo Kamid Ahi Dahab Ka Samaysan Tahay

0
387

Shirkadda Microsoft oo inta ugu badan lagu yaqaano inay soo saarto programs ka lagu shubo ama ay ku shaqeeyaan computersku ayaa sheegtay inay soo daynayso dhowaan Mobiles ay ka samaysan qaybo kamid ah dahab.
Taleefankan ayay u bixisay shirkadu Lumia,taas oo raacisay lambaro,waxaanay kala noqonayaan Lumia 830 iyo Lumia 930 ,taas oo inta ugu horeysa loogu talo galay in la keeno wadanka Imaraaka Carabta oo noqon doona halka lagu kala qaybiyo suuq ahaan.
Waxaana toddobaadka soo socda la rajaynayaa in laga helo suuqyada caalamka,kuwaas oo uu kala gedisnaan doono qiimohoodu,iyada oo uu dalkaasi Imaaraadka ka noqon doono Lumia 830 lacag dhan 1349 Dirham,halka uu ka kale ee lagu magcaabo Lumia 930-na uu noqon doono 1799 Dirham.
John French oo ah guddoomiye ku xigeenka shirkadda Microsoft ayaa sheegay inay midab ahaan ka dhigi doonaan taleefanadaasi kuwo dahabi ah,madaama oo suuqyadda Carabta aad looga jecel yahay midabkaasi,kuwaas oo uu sheegay inay yeelan doonaan beytari loo charge garaynaayo hab wireless ah,kaas oo yeelan doona faa’idooyin badan.
Waxa kale oo uu yeelan doonaa dhego nooca dhegeysiga ah kuwaas oo aad u ad adag,sidoo kalena windows-ka ku jira ayaa lagu sheegay inay noqon doonaan Windows Phone 8.1 mid la yidhaahdo oo lala samayn doono,waxaanu noqon doonaa mid wata waxyaalo cusub oo ay kamid yihiin Instagram,Vine iyo Facebook.
Taleefankan ayaa noqon doona mid aad looga xiiseeyo ,gaar ahaana wadamada Carabta oo ah kuwo aad ugu raaxaysta waxyaalaha dahabiga ah ama dahabku ku jiro.
 

Leave a Reply