Caqliga Dumarka iyo Hinaasaha

0
2217

Waxay ahayd galab Ramadan ah, wax yar ka hor eedanka Afurka, ayuu odayga gurigu duco bilaabay. Wuxu u ducaynayay nin ay saaxiib yihiin waxana uu yidhi :” Ilaahayaw saaxiibkay sii gabadh wanaagsan , qurux badan, akhlaaq iyo diin leh, kana dhig qoys balaadhan , uga dhig mid ku tageerta noloshiisa”. Gabadhiisa ayaa markii ay intaasi maqashay soo orday oo u timi kan qabtay gacmihii uu sare u taagay waxayna ku tidhi “ waxa wanaagsan inaad saaxiibkaa ugu ducayso caafimaad, xoolo iwm” Ninkii aya yidhi saaxiibkay waxa keliya ee ka maqani waa gabadh wanaagsan, wuu haysta waxa kale oo dhan.  Ka dib iyadoo cadhaysan ayay tidhi “ mar danbe haku celin baryadaasi” . Ninkii oo yaaban aya ku yidhi “ Maxa ka cadhaysiiyay ?“. Ka dibna waxay  ku tidhi: “ Miyaanad ogayn , in haddii aad walaalka isagoo ka maqan u ducayso inuu Malak kuugu jawaabayo adigana intaasi in leeg Allah ha ku siiyo”. Soo markaasi adiguna gabadh kale heli maysid.

Leave a Reply