Afar Qof Oo Ku Geeriyooday Iska-hor imaad Laba Beelood Ku Dhex-maray Deegaanka Maskax-Buqle

0
450

Qorilugud (Dawan):  Inta la ogyahay 3 qof ayaa dhintay illaa 4 kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii uu iska hor imaad hubaysani dhex maray laba beelood oo wada dega deegaanka loo yaqaano Maskax-buqle oo u dhexeysa  magaalooyinka Qorilugud iyo Buuhoodle.
Sida uu noo xaqiijiyay Guddoomiyaha degmada Qorilugud Maxamed Cumar Faarax, oo aanu xalay telefoonka kula xidhiidhnay isagoo joogay magaaladda Qorilugud, waxaanu sheegay   in iska hor imaadkaasi uu ka dhashay ka dib markii niman Geel-jire ahi  ay soo weerareen niman kale, halkaasina ay ku dileen nin ka mid ahaa ragii Geella la joogay. Hase yeeshee   galabnimadii shalay markii  qolada ninka laga dilay ay damceen in ay maydka soo qaadaan in hadana qoladii weerarka hore soo qaaday ay halkaasi ku dileen laba nin oo kale, isla markaana ay saddex kale dhaawacmeen.
Maxamed Cumar Faarax, waxa kale oo uu intaasi ku daray in xalay cusbitaalka magaalada Qorilugud la soo gaadhsiiyay laba nin oo mayd ah, 3 dhaawac ah, isagoo xiligaasi xusay in nin kale oo dhaawac ahna la soo wado. Isagoo dhacdadaasina ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan kooxda Khaatumo oo uu sheegay in ay doodanayaan in ay nabadgeliyadda carqaladeeyaan.
 
“Rag Geel la joogay ayay  niman soo weerareen, waxaanay ahaayeen niman nabadda xumaynayay sida aan u arko, dad nabadda carqaladaynaya in ay ahaayeen ayaan filayaa,  nin baa dhintay ka dib markii maydkii soo qaada la is-yidhina dhawr kale ayaa dhintay. Ninka hore qoladda Geela la joogtay ee la soo weeraray ayuu ka dhintay, waxaanan jeclahay warkaasi in aanan imika faafin, deegaanka ama meesha waxaa la yidhaahdaa Maskax-buqle, waa meel Qorilugud u jirta 6 ilaa 7 km, Kalshaalle ayay ka sokaysaa, waa meel dhul-daaqsimeed ah, oo labada qoloba xoolo daaqsin ku soo gaadho. Waxay ahaayeen  dad nabada xumaynaya, barnaamijkan Khaatumo inay ka mid tahay ayaan u malaynayaa, Khaatumo Seeg nimanka la yidhaahdo,”ayuu ku dooday Guddoomiyaha Qori-lugud.
 
 
Maxamed Cumar Faarax, waxa kale oo uu sheegay in madax-dhaqameed ka soo jeeda Buuhoodle oo dhawaan deegaankaasi sii maray iyagoo ka tegay dhinaca Hargeysa oo ay ka noqdeen ka dib markii ay kulan la yeesheen Madaxweynaha Somaliland inay si weyn  uga hawl-galeen sidii nabadgelyadda loo ilaalin lahaa, isla markaana  ay mareen magaalooyin badan dadkana ay la hadleen, Waxaanu  yidhi “Odayaashii xagga Hargeysa ka tegay si balaadhan bay uga hawl-galeen nabadgelyada oo magaalo walba way mareen, oo adkaynta nabadgelyada ayay dadka kala hadleen, si wacan ayay u hawl-galeen odayaasha cuqaasha iyo waxgaradka ahaa, ee reer Buuhoodle ee Hareysa ka tegay, markaa kollay arrintani waa uun dad nabadaasi xumaynayay. Galabta markii ninkii maydka ahaa soo qaada la is-yidhi 3 nin oo kale ayaa dhintay, dhaawaca danbena waa 3 inuu ka badan yahayna waan u malaynayaa, cusbitaalka Qorilugud waxaa la keenay laba nin oo mayd ah iyo saddex dhaawac ah, nin kale oo dhaawac ahna waxaa la ii sheegay in la soo sido.”
 
Guddoomiyaha Qorilugud oo aanu waydiinay ka maamul ahaan inay qaadeen wax tallaabo ah oo colaada  lagu joojinayo, ayaa sheegay in aanay awood u lahayn in ay kala dhex-galaan labada beelood ee dagaalamaya.
 
“Ciidanka qarankuna amar buu ku hawl-galaa, annaguna ka maamul ahaan awoodayadu dagaal soconaya oo labada dhinacba ay hubaysan yihiin aanu  ku dhex-galno maamul ahaan ma hayno,”ayuu yidhi Maxamed  Cumar Faarax.
 
Dhinaca kale Maayarka magaalada Buuhoodle Cismaan Yuusuf, oo aanu isla xalay   telefoonka kula xidhiidhnay isagoo joogay Buuhoodle ayaa noo sheegay in dagaalkaasi uu ka bilaabmay dhul-daaqsimeed ah oo ay xooluhu daaqaan, isla marakaana ay niman Geel jire ahi dagaalameen.
Maayarka Buuhoodle oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dagaalku wuxuu ka bilaabmay waxaa jira soon yar oo labada beelood u dhexeeya, markaa soonkaasi yar waxaa had iyo jeer ku hadha caws, ka dib qolo reer Qorilugud ah ayaa Geelal keenay meeshii cawsku ku yaalay, sida warku igu soo gaadhayo weeye, anigu goobjoog ma ahayn, markaa Geelashaas niman ka soo yaro horeeyay iyo kuwii kale oo iyagna reerahoodu meesha ku dhaw yihiin, ayaa meesha iska helay dagaalkiina sidaas ayuu u bilaabmay”.
Cismaan Yuusuf oo ka hadlayay khasaaraha halkaasi ka dhashay, waxa uu yidhi “Gelinkii horena wuu dhacay dagaalku, gelinkii danbena wuu dhacay dagaalku, gelinkii hore waxaan hayaa dhimasho dhinaca Qorilugud hal nin oo dhimasho ah iyo 2 dhaawac ah, dhinaca Buuhoodlena nin dhaawac ah, gelinkii danbena 2 dhimasho ah oo xagga Qorilugud ah iyo 2 dhaawac ah waan maqlay, xagga Buuhoodlena 2 dhaawac ah ayaan hayaa”.
Maayarka magaaladda Buuhoodle, waxa kale oo uu sheegay in ay ka maamul ahaan intii awoodooda ah ka hawlgaleen deminta dagaalkaasi, isla markaana ay soo abaabuleen oayaal iyo madax-dhaqameed kala socda labadda dhinaca ee Buuhoodle iyo Qorilugud.
“Waanu ka hawlgalnay intii awoodayada ah, meeshuna waa meel iska dhib badan, waxa kaa fulaaba, waa wax iska yar, awoodayaduna waxay u badan tahay abaabulid odayaasha iyo sidii xabada loo joojin lahaa, markaa imika odayaashii qaybi waxay joogtaa Maygaagle, qaybina Sool joogto ayay joogaan, qaarna halkan Buuhoodle ayay ka baxayaan, awooda waxaanu isugu geynaynaa oo wixii ciidan ah ee meelahaas jooga aroorta in la ururiyo, odayaashuna ay fadhiistaan meelihii ay wax ka dheceen, lana wada hadlo oo telefoonada laga wada hadlo, imika meelahaasi ayay xaajadu maraysaa” ayuu yidhi Cismaan Yuusuf.
Dawannews Hargeysa office
Khaddar Cabdi Muuse

Leave a Reply