Xukuumadda Oo Mawqif Adag Iska Taagtay Wareegto TELESOM Burisay Oo Bulshadda Faa’iido u Lahayd

0
383

Hargeysa(DAWAN):- Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM,ayaa  Jabisay isla markaana dhegaha ka furaysatay inay ku dhaqanto digreeto  uu Wasiirka Caafimaadka Somaliland soo saaray 4/2/2015 oo warbaahinta iyo shirkadaha isgaadhsiinta lagaga mamnuucay inay baahiyaan ogaysiisyadda caafimaad ee aan soo marin wasaaradda caafimaadka.
 
 
Shirkadda TELESOM waxay tan iyo markii ay soo baxday wareegtadaasi ay Telefoonadda gacanta ku baahiyeen illaa shan  ogaysiis, sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Cismaan Xuseen Warsame, waxaanu ku booriyay shirkadaasi inaanay indhaha ka qarsan shuruucda iyo xeerarka dalka oo ay ka waantowdo inay jabiso wareegtooyinka ka soo baxa dawladda Somaliland.
 
 
Qoraalka uu agaasimaha caafimaadku soo saarayna waxay u dhignayd sidan:-
 
“1.Ku:-  SHIRKADDA TELLESOM
Og:- Ururka Suxufiyiinta Somaliland
Og:- Wasiirka wasaaradda boosaha iyo Isgaadhsiinta
Og:- Wasiirka wasaaradda war-faafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta
Og:- Xeer-illaaliyaha Guud ee Qaranka J/Somaliland
Og:- Wasiirka wasaaradda caafimaadka
Ujeedo:-   Digniin:-
Tixraac Warqada Sumaddeedu ahayd  38/1/2015,  oo ku taariikhaysnayd  4/2/2015, ,kuna saabsanayd Wareegto lagu mamnuucay Xayeysiiyada iyo farriimaha ku taxa-luqa Caafimaadka ee aan soo marin Wasaaradda Caafimaadka in lagu baahiyo  dhammaan War-baahinta iyo Shirkadaha Isgaadhsiinta, kana soo baxday  Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, taasoo dhaqan galaysay  9/2/2015.
 
Annagoo ka duulayna siyaasadda u dejisan Wasaaradda Caafimaadka ee ka xakameynta  Caafimaadka aan-dheelliga tirnayn bulshada  iyo in la hubiyo wax-tarka heerka tayda adeegyada caafimaadka ee gaarka loo leeyahay, lana gaadhsiiyo Xog-caafimaad oo hufan, lagana hor-tago oo la yareeyo khatartaha  Caafimaadka Bulshada iyo deegaanka-ba, isla markaana kor loo qaado hab-nololeedka Caafimaadka Bulshada Somaliland.
 
Sidaa daraadeed,  waxaannu mar labaad idinku war-gelinaynaa in Wareegtadii aannu ku mamnuucnay sii daynta Xayaysiiska iyo Farriimaha ku taxa-luqa Caafimaadka ee aan soo marin Wasaaradda Caafimaadka lagana baahiyo War-baahinta, Shirkadaha Isgaadhsiinta iyo Madbacadaha inaad u hoggaansataan fulinta Wareegtadaas, waxaanan idinka rejeynayaa inaad ilaalin doontaan nidaamka iyo shuruucda u dejisan Wasaaradda Caafimaadka.”
 
Agaasimaha guud waxa kale oo uu qoraalkiisan ku soo lifaaqay Ogeysiisyada iyo Farriimaha aan wasaaradda soo marine e ay baahisay, waxaanay u qornaayeen sidan:-  “2. Farriimahii Shirkadda Telesom baahisay:-

  1. Tixraac bisha 10/02/2015 saacadu markay ahayd 2:33PM waxay baahisay Ogaysiis aan soo marin wasaarada caafimaadka oo dhignaa sidan:-

waxa lagu wargalinayaa dhammaan dadweynaha ku nool gobolka Sool iyo Nawaaxigiisa in 12/02/2015 uu xarunta caafimaadka ee Laascaanood Medical Center ka hawl-galayo  Dr. C/risaaq oo ah khabiir ku takhakhusay Neerfaha iyo Xanuunada madaxa ku dhaca sida. Qalalka, jugaha, Waalida, Buufiska IWM, Cisbitaalku wuxuu ku yaallaa agagaarrka Goolada una dhaw Amal Express, is diiwaangelintu way socotaa. wixii faahfaahin ah kala xidhiidh tell: 0634923095/0634898900.
 

  1. Tixraac bisha 11/02/2015 saacadu markay ahayd 6:12PM waxay  mar-labaad baahisay Ogaysiis aan soo marin wasaarada caafimaadka oo dhignaa sidan:-

Manhal Hospital Burco waxa imanaya  16/02/2015 (Isniinta) Dhakhtarkii Ruushka ee Dr. nuureyn oo ku takhakhusay Daaweynta iyo Qaliinka Xanuunada ku dhaca lafaha, Is diiwaan galintuna way socotaa, kala xidhiidh tell: 715764.

  1. Tixraac bisha 11/02/2015 saacadu markay ahayd 5:46PM waxay mar saddexaad baahisay Ogaysiis aan soo marin wasaarada caafimaadka oo dhignaa sidan:-

Nairobi Pharmacy Burco, waxa lagugu soo kordhiyey xarun lagu xanaaneeyo dadka dhimirka wax ka qaba, iyadoo laguu diyaariyey Jiifkii, Cuntadii iyo Dhakhtarkii dhimirka, wixii faah-faahin ah kala xidhiidh tell:712255/0634896633.
5-Tixraac bisha 15/02/2015 saacadu markay ahayd 9:50PM waxay mar Afaraad baahisay Ogaysiis aan soo marin wasaarada caafimaadka oo dhignaa sidan:-
Bilaal Pharmacy Burco, waxa shaqada ka bilaabaya  18/02/2015  (Arbacada) Dr.  Maxamed Cusmaan oo ka imanaya Dirir-Dhaba (Ethopia) kuna takhakhusay xanuunada Neerfaha, Faaliga, Jilbaha, Dhiig-karka, Macaanka, Jidh-xanuunka, Gaastriga, iyo Cudurada Guud, is qoristuna way socotaa fadlan kala xidhiidh tell:711259/0634473093.
 

  1. Tixraac bisha 24/02/2015 saacadu markay ahayd 7:32PM  waxay baahiyeen fariin aan soo marin wasaaradda caafimaadka.

Ogaysii:- waxa la Ogaysiinayaa dhammaan bulshadda ku dhaqan buuhoodle iyo nawaaxidkiis in Buhoodle Health Center ay diyaar idiinku yihiin Dhakhtaradda 1. Dr. Cabdi Samad Daahir oo qaabilsan Xanuunadda Ilkaha iyo daaweyntooda 2. Dr. Qudus oo qaabilsan shaybaadhka kuna shaqeynaya mashiino casri ah 3. Dr. Mustafe X. Maxamud Hoori oo qaabilsan cuduradda guud , caruurta , haweenka  iyo qaliinkooda kuna shaqeynaya computer casri ah & Raajo, la soo xidhiidh tell : 0634498822/0634146.”
 
Ma Jiro wax war ah oo ka soo baxay shirkadda TELESOM oo ay raali-gelin kaga bixisay xayaysiisyaddan ay baahisay ee ka hor imanaysa wareegtadii Wasiirka Caafimaadku soo saaray ee lagaga hortagayo inay xarumo caafimaad dalka ka furtaan dad aan dawladdu hubin inay leeyihiin xirfadii dhakhtarnimo ee ay dadka ku dabiibi lahaayeen.
 
Shirkadda isgaadhsiinta TELESOM oo macaashka ugu badan ka hesha dalka ayaa tallaabadan ay ku baahiso fariimaha ogaysiisyada ah waxa lagu macneeyay inay tahay qorshe ay ku cuno-qabataynayso warbaahinta wadanka oo iyagu u abuuran inay baahiyaan xayaysiisyada noocyadooda kala duwan.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply