Saamaynta Cuntooyina Wasakhda leh Iyo Hooyooyinka Uurka Leh

0
383

Khubaro u dhalatay dalkaasi Australia ayaa dhowaan daraasad ay sameeyeen ku sheegay in hooyooyinku ay dhibaato u geystaan caruurta calooshooda ku jirtay ,taas oo ay keento dhibaatadaasi kadib marka ay cunaan cuntooyinka aan lahayn nadaafada wanaagsan ama aan fiicnaan nadaafad ahaan.
Dhibaatadaas ayay ku sheegeen  inay kamid yihiin caruurta oo ay dabeecadoodu xumaato qaarkood,sidoo kalena ay qaarkood noqdaan kuwo maskaxda aan ka dhamayn,taasina ay keento dhibaato badan markay soo dhashaan ilaa intay weynaanayaan.
Sidaasna waxa sheegay kooxdaasi khubarada ah oo kamid ah hawlwadeenada jaamacadda Deakin oo ku taala magaalada Melbourne ee dalkaasi Australia,waxaanay intaasi raaciyeen inay caruurtaasi noqdaan kuwo wada cadho ah ,dhibaato badana u geysta dadka.
Sida lagu daabacay wargeyska lagu magcaabo Daily Mail,daraasadan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee laga sameeyo cuntooyinka aan nadiifta ahayn ee hooyooyinka uurka lihi cunaan iyo waxyaalaha samaynta ah ee ay keenaan,waxaanay khubaradaasi ku sheegeen warbixinta ay soo saareen inay tahay cuntadaasi mid  maskaxda  u keeni karta dhibaatooyin badan.
Ninka kooxdan madaxda u ahaa ayaa sheegay in tijaabo lagu sameeyey intii daraasadani socotay hooyooyin gaadhaaya 23,000 oo hooyo,sidoo kalena caruur intaasi la mid ah ayay sheegeen inay tijaabadan ku sameeyeen,waxaanay sheegeen inay ugu dambaynta keento samayn caafimaad oo ay caruurtaasi muqaal ahaan ku yeelato ,isla waqtiga ay weynaadaan xanuuno ku keeni karto,kuwaas oo ay kamid yihiin macaanka iyo wadne xanuunka.
 

Leave a Reply