WHO Oo Soo Saartay Hab Cusub Oo Loo Mudaayo Dadka

0
393

Hay’ada caafimaadka adduunka  ayaa soo saartay hab cusub oo loogu talo galay  in dadka loo muddo,gaar ahaana marka irbada la isticmaalaayo,waxaanay sheegtay hay’adaasi inay dhibaatooyin keenaan irbadaha dadka lagu mudo ,gaar ahaana wadamada qaaradda Afrika.
Hay’ada ayaa bilawday olole balaadhan oo ay kaga hortegayso irbadaha sida aan amaanka ahayn loogu muddo dadka,gaar ahaana dadka aan aqoonta u lahayn ,waxaana mashruuca wacyigelinta iyo tabobarkaba  lagu siiyey lacag badan fulintiisa hay’ada lagu magcaabo ama ururka lagu magcaabo IKEA Foundation ,iyada oo mari doonta wadamo badan oo ay kamid yihiin kuwa  saxaraha ka hooseeya ee Afrika.
Hay’ada ayaa sheegtay inay soo saarayso irbado aan samayn yeelan,sidoo kalena ka duwan kuwa hadda la isticmaalo,kuwaas oo ugu horeyn ay sheegeen inay soo saari doonaan sannadka 2020-ka,isticmaalkoodana la bilaabaayo isla sannadkaasi.
Hay’ada ayaa sheegtay inay samayn doonaan maalin u gaar ah mudniinka,taas oo ay ka qayb qaadan doonaan dad gaadhaaya 2 million oo qof ,kuwaas oo ku kala nool caalamka daafihiisa,waxaana ku jiri doona dad waxyeelo kasoo gaadhey irbado ay ku mudeen dad aan xirfad lahayni.
Waxyaalaha lagu muddi doono dadka ee lagu bedelaayo irbada ayaa noqon doona kuwo la isticmaali karo laba jeer halka hadda la isticmaalo hal mar,waxaanay ku shaqayn doontaa electricity ,waxaana lagu isticmaali karaa guryaha sida caadiga ah,mana yeelan doonto dhibaato sida uu sheegay afhayeen u hadlay hay’adaasi oo u waramaayey Daily Mail.
Sidoo kalena dadka waxyeeladu kasoo gaadho irbadaasi ayuu ku sheegay kuwo aad u badan,gaar ahaana wadamada soo koraayo oo uu sheegay in qaarkood laba jeer isticmaalaan,taas oo keentay inay dad badan ka qaadeen xanuuno beerka ku dhaca iyo xanuunka AIDS-ka ,waxaanu sheegay in dad gaadhaaya 1.7 million ay ka qaadeen  xanuunada beerka ku dhaca,sidoo kalena 33,000 oo qofna ay ka qaadeen xanuunka AIDS-ka.

Leave a Reply