Safar-Dhuleed Addis-Ababa & Khartuum Ah oo La Furay

0
363

Dalalka Itoobiya iyo Sudan ayaa ku heshiiyey  barnaamij wadajir ah oo ay iskaga kaashanayaan ka ganacsiga dhanka gaadiidka dadweynaha sida ay maanta baahiyeen gudida socdaalka ee wadanka Itoobiya.
Mr  Abelneh Agidew, maamulaha hay’adda gaadiidka dadweynaha ee dalka  Itoobiya oo u waramayey wakaalada wararka dalkaasi ee ENA  aya sheegay in gudigii farsamo ee labada wadan Sudan iyo Itoobiya ay wadahadalo labo maalmood u socday ka bacdi heshiis ku gaadheen in la bilaabo isu socodka gaadiidka dadweynaha ee labada dal, kuwaas oo u kala bixi doona magaalooyinka Addis-ababa iyo Khartuum.
Qiimaha gaadiidkaasi lagu raaci doono oo heshiiska lagu daray ayaa noqon doona 90 doolar oo u dhigma 1800 oo lacagta Itoobiya ah, socdaalkaas oo ka bilaaban doona magaalada Addis-ababa ilaa magaalada Khartuum, waxana aan meesha laga saarin in dadka isu talaabayaa ay u baahan yihiin baasaboorada iyo fiisayaasha dal ku galka iyo labada dhinac.
Dhanka kalena wasaaradda Biyaha, waraabka iyo Tamarta ee Dalka itoobiya ayaa ku dhawaaqday  in Gudiyada sadex geesoodka ah ee Dalalka Itoobiya, Sudan iyo Masar ay bilaabeen soo xulidda shirkadaha ka hawlgala dhanka la talinta caalamiga ah ee deegaan samaynta, kuwaas oo la shaqayn doona shirkadaha gacanta ku haya dhismaha Biyo xidheenka weyn ee Itoobiya.
Dr Alemayehu Tegenu wasiirka Biyaha iyo waraabka ee Itoobiya ayaa  sheegay in illaa todoba shirkadood oo caalami ah ay codsiyadoodii soo gudbiyeen, afar ka mid ahna ay soo dhammaystireen aqoonsiyadii looga baahnaa, gudiyada sadexda wadana ay si gooni gooni ah u wadaan soo xulidda shirkadaha nasiibka u yeelan doona qandaraaska ku saabsan ka talo bixinta mashruuca dhismaha biyo xidheenka weyn ee Itoobiya.
Dhankiisana Engineer Teshome Atenafe, Madaxa kheyraadka gudaha iyo dibadda ee Itoobiya oo xubin ka ah gudioda farsamo ee sadex geesoodka ah waxa uu warbaahinta u sheegay in shirkadaha helay qandaraaska lagaga dhawaaqi doono kalfadhiga gudiyada sadexda wadan oo 14 ilaa 19 bisa march ku qabsoomi doona Magaalada Khartuum ee Dalka Sudan.
 

Leave a Reply