Tirada Masaarida Ka Soo Qaxaysa Liibiya oo korodhay

0
367

Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Dalka Masar ayaa Maalintii Shalay ee jimcaha ku dhawaaqday tirada dadka masaarida ah ee dib uga soo laabanaya dhinaca dalka Liibiya xasilooni darada ka taagan darteed.
wasaaradu waxay sheegtay in illaa hadda ay dib u soo laabteen dad ku dhow lix iyo labaatan kun oo ruux, kuwaasoo soo maray dhinaca cirka iyo dhulkaba, iyadoo ay dhanka cirka soo mareen afar kun oo qof halka labo iyo tobanka kun  ee kalena ay ka soo gudbeen marin xuduudeedka labada dal ee Shuluum.
Wasaaradda arimaha dibaddu waxay ku celisay baaqeedii ku saabsanaa inay muwaadiniinta reer Masar ee Liibiya ku sugani ka taxadaraan dhaqdhaqaaqooda gudaha dalka Liibiya, isla markaana ay ku negaadaan goobaha ammaanka ah, xilliga ay doonayaan inay safar u soo galaan wadankoodana aanay isu raacin si koox koox ah laakiin ay u socdaan keli-keli.
Tirada dadka masaarida ah ee ka soo cararaya Liibiya ayaa soo korodhay ka dib markii dhowaan ay kooxda daacish laayeen tiro dad ah oo masiixiyiinta reer Masar ah, taasoo ay xukuumada masaariduna kaga jawaabtay inay duqeeyaan fadhiisimada kooxdaasi ku leedahay gudaha Liibiya.
 
 

Leave a Reply