Wasiir Xirsi Sharaxay Halka Uu Maraayo Dhismaha Wadada Ceerigaab

0
407

Hargeysa (Dawan) – Wasiirka wasaaradda madaxtooyada Somaliland mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa waxa uu sheegay in ay meef fiican marayso balan-qaadkii xukuumadda ee ahaa dhamaystirka wadada isku xidhi doonta gobolada Togdheer iyo Sanaag. Sidoo kale Wasiirku waxa uu ka hadlay sida ay ugaga dhabeeyeen dhaqaajinta jidkaas oo dadka qaar u haysteen riyo aan rumoobi Karin.
Wasiirka madaxtooyadu waxa uu sidaa ka sheegay mar wefti balaadhan oo uu hogaaminayaa kormeer ku tageen deegaanka ina Ina-afmadoobe oo ah halka bilawga u ah dhismaha wadaas.
Wasiirku waxa  kale oo uu sheegay in uu meel aad u fiican maraayo balan-qaadkii xukuumadda ee ahaa 100-ka km ee ugu horeeya dhismaha wadadaas, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Balan-qaadkii Xukuumada ee ahaa dhamaystirka 100km oo noqon doona wajiga koowaad oo maraya meel fiican isla markaana 100-ka km isugu jireen qayb daamurkii la saaray, qayb jaygii la dhigayo iyo qayb diyaarintii hore ku jira.”
Wasiir Xirsi,  waxa kale oo ka hadlay sida xukuumada maanta tallada dalka haysaa u midaysay awoodii shacabka, loona suurto galiyay wax-qabada dhab ah, isagoo arrintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Shalay haddii hirgelinta jidka Ceerigaabo riyo ahaa maanta waa xaqiiq xiiso badan oo cadayn u ah in awooda shacabka oo la mideeyey isla markaana kaashanaya hogaamiye u hor kaca horumarku ay nolosha guulo badan kasoo hoyn karaan.”
Wasiirka Madaxtooyaddu  waxa uu sheegay in ay hawl wadeenada wadadaas ku wareejiyeen qaybo badan oo ka mida daamurkii ay xukuumadu soo iibisay, waxaanu yidhi   “Waxaa soo gaadhay bar bilowga jidka isku xidhi doona Togdheer iyo Sanaag ee Ina-Afmadoobe daamur kor u dhaafaya 61 “kow iyo Lixdan” Konteenar “Container” oo ay ku jiraan 10,890 “Toban kun Sideed boqol iyo Sagaashan” foosto oo daamur ah, kuwaas oo bilow u ah shixnad kale oo gaadhaysa 129 “Boqol iyo Sagaal iyo labaatan” konteenar oo iyaguna badda ku soo jira.”
 
Wasiirka madaxtooyadu waxa uu sheegay in ay dhawaan dalka soo gaadhi doonaan in tii hadhsanayd daamurkii wadada lagu dhisi lahaa ee la dalbay, wasiirku isagoo arrintaas ka hadlaaya waxa uu yidhi “Guud ahaan daamurka aan dalabnay oo dhan 25,000 “Shan iyo Labaatan kun” oo foosto ayaa dhawaan dalka soo wada gaadhi doona Insha Allahu, isla markaana loogu talo galay in ay kala badh iyo ka badanba daboolaan baahida daamur ee jidku guud ahaanba u baahan yahay.”
Wasiirku waxa uu baaq u diray guud ahaan shacabka Somaliland, waxaanuu sheegay in wixii lagu dadaalo marka loo samro la gaadho midhihiisa, waxaanuu yidhi “Waxaan leeyahay cid walba oo shalay ka shaki qabtay hirgalinta jidkan iyo guud ahaanba horumarka dalka ama xanuun ka hayey aragtida guusha Shacabka Somaliland iyo xukuumada ay doorteen, waakan oo maantaba waxaan dul joognaa bilowga guul taariikhi ah horayna kuwo hore ayaa loogu guulaystay kuwo dambana waa lagu guulaysan Insha Allahu ee horumarka nagula tartan iyo qaran dhisida waayo nin jeebabka gacmaha kula jira sallaanka ma fuuli karo.”
Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan  mar uu la hadlayay shakhsiyaadka meelahaas ka caytama iyo sida shacabka loo kasban karo waxa uu yidhi “Siyaasaduna sideedaba maaha cay ee waa tartan loo kala badinayo quluubta shacabka waxaana hubaal ah in furaha quluubta shacabku lagu furto yahay wax qabad iyo daacadnimo.” Wasiirku isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi “Alle waa garabkeena Waanay dhawdahay guushu ee aynu u dhabar adaygno dhismaha dhulkeena.”
Wasiirka madaxtooyadu waxa uu rajo aad u fiican ka muujiyay in lagu guulaysan doono dawlad iyo shiciba hirgalinta wadadaas oo muhiimad aad u balaadhan ugu fadhida guud ahaan dalkeena. Kormeerkan uu wasiirku ku soo maray wadada isku xidgi doonta gobolada Togdheer iyo Sanaag ayaa waxa uu ku tagay degaanka Ina-afmadoobe oo ah halka ay ka bilaabmayso wadaadaasi oo ay si xawli ah uga socotay dhismaha wadadadu.
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply