Hay’adda ILO Oo Tababar U Soo Xidhay Xubno Kala Socday Jaamacadaha Dalka

0
347

Hargaysa (Dawan): Hay’adda caalamiga ee qaramadda midoobay u qaabilsan shaqaalaha ee ILO (international Labour Organization) ayaa shalay  tababar u soo gabagabaysay xubno ka kala socday qaar ka mid ah jaamacadaha dalka oo muddo bil ah loo tababarayay sida loo abuurro ganacsiga iyo sidoo kale hanaanka loo  kobciyo.
Xubnahani shahaadooyinka la gudoonsiiyay oo kala socday jaamacadaha Hargaysa University, camuud, Burco, Berbera, Gabiley iyo Admas, waxaanay xubnahaasi oo tiradoodu dhamayd 11 qof oo isugu jiray rag iyo dumar balse  7 ka mid ahi ay ku guulaysteen in shahaadooyin la gudoonsiiyo, iyadoo   mudadda uu tababarkaasi u socday waxaa la baray horumarinta ganacsiga iyo sida loo abuuro ganacsiga.
 
 
 
 
Xafladii xubnahan ka kala socday jaamacadaha ee  tababarka dhamaystay   shahaadooyin lagu gudoonsiiyay oo manta lagu qabtay xarunta machadka shaqaalaha dalwadda ee CSI  ee magaaladda Hargaysa, oo uu soo qaban qaabiyay machadka shaqaalaha dawladda  ayaa waxaa ka soo qayb galay agaasimaha masuuliyiin kala duwan oo ka socday dawladda iyo hay’adihii gacanta ka geystay.
 
Waxaana masuuliyiintii munaasibadaasi joogay ka mid ahaa agaasimaha  guud ee wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshadda Hilaac, agaasimaha guud ee wasaaradda Ganacsiga Maxamed Sheekh Cumar Xasan, guddoomiyaha machadka shaqaalaha dawladda Maxamed Mixile Boqore,  masuuliyiin ka socday hay’adda ILO oo uu ka mid ahaa madaxa hay’adaasi ee xafiiska Somaliland Maxamed  C/raxiin Sheekh Xasan, masuuliyiin ka socday   daladda dhalinyaradda ee SONYO iyo marti sharaf kale.
 
 
 
Madaxa  Hay’ada ILO ee Somaliland Maxamed C/raxiin Sheekh Xasan,  oo isna  halkaasi ka hadlay ayaa  sheegay in tabobarkani  uu yahay mid caalami ah oo dhalinyarada lagu barayay  in ay iyaguna  tababaro siin doonaan cid kasta oo doonaysa in ay horumariso ganacsigeda. waxaanu tilmaamay in mashruucani uu yahay mid lagu yaraynayo shaqo la’aanta dalka ka jirta ee haysata dhalinyaradda, isla markaana la doonayo in lagu horumariyo ganacsiga.
 
Maxamed C/raxiin Sheekh Xasan,  ayaa dhalinyaradii shahaadooyinka qaatay ku booriyay in ay bulshadooda uga faa’iideeyaan waxyaabihii ay barteen mudadii uu tababrkaasi socday. Waxa kale oo uu sheegay Mr. Maxamed in xubnahan dhalinyaradda ah ay tababarka siinayeen khubaro heer caalami ah oo hawshaasi ku takhasusay.
 
 
 
 
Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshadda oo  munaasibadaasi hadal ka jeediyay  ayaa sheegay in ay wasaarad ahaan si weyn u soo dhawaynayaan tababarkani iyo hay’adda ILO ee iyadu maalgelisay iyo cid kasta oo ka qayb qaadatayba. Waxaanu tilmaamay in mashruucani uu yahay mid shaqo abuur ah, isla markaana in dhalinyaradda shaqo loo abuuraa ay tahay culays weyn oo dalka haysata.
 
 
Waxaanu yidhi “Haddii aanu nahay wasaaradda shaqadda iyo arrimaha bulshadda tababarkani ay hay’adda ILO ku deeqday ardaydani iyo macalimiintii tababarka bixinaysay, jaamacadihii ka qayb galay dhamaabtiinba aad baanu u soo dhawaynaynaa,  waananu idiinka mahad naqaynaa, tani waa nooc shaqo abuurka ka mid ah, in dhalinyaradda shaqo loo abuuro waa culays weyn oo dalka oyo dadkaba laga dul-qaaday. Dhalinyaradda waxaan ku dardaarayaa in dalka loo sabro, in la tabcado, in la fekero oo wixii Illaahay idinsiiyo aad ilaashataan, oo aad urursataan, oo aad ganacsi abuurtaan, dhalinyaradu ha ogaadaan aduunyadda wax maalin lawada helaa in aanu jirin.”
 
 
Waxaanu intaasi ku daray  “Tababareyaashiinu aad baad u mahasan tihiin,  tababarka aad bixinayseen waa mid shaqo abuur ah, aad iyo aad ayaananu  idiinka mahad naqaynaa. Hay’adda ILO waxaan ka codsanayaa in ay balaadhiso waxa ay ku caawinayso dalka, waayo dalku wuu  idiin baahan yahay, weliba xagga shaqadu waa waxyaabaha mudnaanta ah ee noogu liita ee aanu doonayno in ILO iyo hay’adaha kaleba in ay naga caawiyaan, waxna nagala qabtaan”.
 
 
 
 
Sidoo kale agaasimaha guud ee wasaaradda Ganacsiga Maxamed Sheekh Cumar Xasan, oo isna halkaasi hadal ka jeediyay  ayaa mashruucani ku tilmaamay in uu yahay Gurmad maadaama oo dhalinyaradda shaqo loogu abuurayo.  Waxaanu sheegay in ay ka wasaarad ahaan si weyn ugu faraxsan yihiin tababar noocan oo kale ah loo qabto dhalinyaradda.
 
Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Mashruucani dhalinyaradda shaqo loogu abuurayo waxaan u arkaa in uu yahay Gurmad, waxaanu barnaamijkani gurmad u yahay ganacsatadeena, waxa kale oo uu gurmad u yahay goboladdii aad ka kala timaadeen, waayo aqoontii aad barateen ee aad halkani ku qaadateen  waxay noqonaysaa dhanbaal aad gaadhsiisaan goboladdii aad ka timaadeen”.
 
“Haddii aanu nahay wasaaradda ganacsiga waxaanu ku faraxsanahay  aqoontooda la sii kordhiyo dadkii hawshan qaban lahaa. Waxaan ku guubaabinayaa hay’adda ILO iyo kuwa kale ee la midka ahba, sida machadka shaqaalaha dawladda ee CSI oo runtii dedaal badan muujiyay iyo cidii kale  ee wax ka qaban karta arrintani in ay dedaal noocan oo kale ah sameeyaan,.
 
Xubnihiina tababarka qaatayna waxaan idin kula dardaarmayaa in wixii aad barateen marka aad goboladiinii ku noqotaan, aad ku dabaqdaan aqoontiina, oo ad gaadhsiisaan dadkiina” ayuu yidhi agaasimaha wasaaradda ganacsigu.
 
Guddoomiyaha   machadka shaqaalaha dawladda Prof.  Maxamed Mixile Boqore, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay muhiimadda tababarkaasi oo uu sheegay in u jeedadda laga leeyahay ay tahay sidii dhalinyaradda loo fahamsiin lahaa abuuritaanka ganacsiga iyo sida loo horumariyo.
 
Prof. Boqore ayaa uga mahad celiyay hay’adda ILO maalgelinta tababarkani, waxaanu xubnihii shahaadooyinka la gudoonsiiyay ee tababarkaasi qaatay ugu baaqay in waxyaabaha la baray  goboladda ay ka kala yimaadeen uga faa’iideeyaan.
 
 
Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yiidhi  “Waxaanu tababarkani  u qabanay sidii loo horumarin lahaa ganacsiga  Somaliland,   ujeedada ay  hay’adda ILO   ka leedahay tababarkani waa  in aanu dhaliin yarada reer Somaliland ee ku dhaqan gobolada dalka in aanu u qabano tababaro  lagu horumarinayo ganacsiga si meesha looga saaro Tahriibta  iyo  shaqo la’aanta. waxaanu uga mahad celinaynaa Hay’adda ILO  sida wanaagsan ee ay doorka muhiim ka ah uga  qaateen maalgelinta tababarkani.  markaa anagu waxaanu maal gelinaynaa maskaxda dhalin yarada,  waxaanu kor u kicin doonaa shaqo abuurka  Somaliland,  waxaanu  idiin tababarnay in aad sii tababartaan  dhalinta ku dhaqan gobolada aad ka timaadeen iyo goboladda dalka”.
 
 
 
 
Waxaanu intaasi raaciyay   “Machadka shaqaalaha dawladu waxa uu inta badan tababaraa dadka, oo anagu xagga aqoonta ayaanu u badinaa. Waxaanu idiinku yeedhnay masuuliyiintiina halkan jooga arrintani laba wasaaradood ayay si gaar ah u khuseeyaa, oo midi waa wasaaradda ganacsiga midna waa wasaaadda shaqadda. Oo ganacsigii ayaanu balaadhinaynaa, oo dhalinyaradii ayaanu doonaynaa in aanu shaqo u abuurno, oo marka aanu dhalinyaradda shaqo u abuurno Tahriibkii ayaanu yaraynaynaa, dhinacna shaqo abuur ayaanu ka samaynaynaa”ayuu yidhi Prof. Boqore.
 
 
 
 
 
Tababarkani ayaa ku saabsanaa tayaynta iyo kor u qaadida aqoonta dhinaca ganacsiga iyo sida loo abuuro loona horumariyo, iyadoo tababarkani uu ahaa wejigii saddexaad  ayaa  xubnahan tababarka qaatay ay iyaguna sii tababari doonaan kuwo kale, si dhalinyaradu ay u noqdaan kuwo qaban kara shaqooyinka dalka, isla markaana lagaga maarmo dadka ajnabiga ah ee dalka shaqooyinka u yimaada.
 
 
 
Waxaana mashruucaasi   hirgelintiisa isku soo duba riday gacana ka geystay, isla markaana fulinayay machadka shaqaalaha dawladda, iyadoo dhalainyaradaasi mudaddii bisha ahayd ee uu socday tababarkaasi ay ku qaadanayeen xarunta machadka CSI.
Sidoo kale  mashruucani  waxaa maalgelisay  dhamaanba wixii dhaqaale ahaa eek u baxay tababarkaasi mudadii uu socday hay’adda caalamiga ah ee ILO. Gebagebadii munaasibadaasi ayaa waxaa halkaasi shahaadooyin lagu gudoonsiiyay xubnihii iyagu tababarkaasi dhamaystay, kuwaasi oo ay tiradoodu dhamayd todoba qof.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply