‘Wixii Isirkoodu Hore u ahaan jiray Somaliland, Shaqo Naguma laha, Shirkuna Waa Somaliland Iyo Soomaaliya’

0
370

Hargeysa (Dawan) Weftigii Somaliland u matalaya wada hadalada u socda Soomaaliya, ayaa shalay dalka ka ambo-baxay, una kicitimay wadanka Turkiga oo mari-gelinaya wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo lagu wado inay Maalinta Axadda Beri ay qabsoomaan.
Weftigan oo uu hogaaminayay Wasiirka arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis ayaa waxa xubno ka ahaa  Wasiirka Beeraha  Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoolle), Wasiirka duulista Maxamuud Xaashi Cabdi,  Wasiirka Xanaanada xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, Wasiirka madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan,  Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Guurtida Siciid Jaamac Cali, Xildhibaa Axmed  Cabdi  Kijaandhe iyo Xildhibaan Axmed Daahir Jirde oo ka tirsan Golaha Guurtida.
 
 
Wasiirka arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis oo warbaahinta la hadlay  ka hor intii aanay ka dhoofin madaarka Hargeysa, ayaa sheegay in wada-hadalada u socda Somaliland iyo Soomaaliya ay maalinta Axada ah ka furmayaan dalka Turkiga, waxaanu yidhi “Maanta (shalay) waxa aniga iyo weftigan balaadhan ee aanu wada socono u ambabaxaynaa shirkii Turkiga oo maalinta Axada bilaabmaya oo socon doona laba maalmood  oo aanu wadahadlayno dawlada Soomaaliya, waxaanan filaynaa in aanu guul ka keeno.”
 
“Sidaad la socotaana shirararku waxa weeyaan Somaliland iyo  Soomaaliya oo ah laba dal oo kala duwan, xuduud mucayin ahna  leh oo dadka aanu wada-hadlaynaa maaha dad reer Somaliland ah, waxaanu wada-hadlaynaa  waa dad Xamar ka yimid, haseyeeshee nidaamka Somaliland waxa weeyaan in aanu la xidhiidhno oo la hadalno dadka ka socda Soomaaliya ee ah xuduudihii Talyaanigu xukuma annaguna waxaanu nahay kuwii Ingiriiska labadaa dal ee kala duwan ayaa wadahadlaya oo wixii Isirkoodu hore u ahaan jiray Somaliland annagu shaqo naguma laha, waayo Somaliland ma wada-hadlayso ee shirku waa Somaliland iyo Soomaaliya.”
 
 
 
Maxamed Biix waxa kale oo uu sheegay in qoddobadii ka soo baxay shirkii Jabuuti ay ku yeesheen Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya la isku afgartay in la fuliyo qodobadii hore loogu heshiiyay oo oo ka mid yahay maamulka hawada, waxaanu yidhi  “Shirkii u dambeeyay ee Jabuuti ka dhacay ee labada Madaxweyne ay ku kulmeen, qodobbadii ka soo baxay ee labada Madaxweyne saxeexeen waxa ka mid ahaa in la fuliyo waxyaabihii hore loogu heshiiyay oo ay ka mid tahay arrimihii ku lugta lahaa hawada, waxa nala socda Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland, xagoodana (Soomaaliya) waxa la  socda Wasiirkii hore ee duulista, markaa waxaanu filaynaa inay ka wadahadli doonaan arrimaha la xidhiidha  hawada. Sidii aanu hore u qornay ee labada Madaxweyne ay u saxeexeenna waxa lagu heshiiyay in la fuliyo waxyaabihii hore loogu heshiiyay oo hawadu ay ka mid tahay waanay ka wada-hadli doonaan.”
 
Wasiirka oo la weydiiyay waxa uu kala socdo asbaabaha loo xidhay soohdinta u dhaxaysa Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu ku jawaabay  “Xuduuda innoo dhaxaysa  Jabuuti oo xidhani ma jirto, waxa jirta baadhis iyo kaantarool, waad la socotaan  oo qaraxyo waaweyn baa ka dhacay Muqdisho oo dhibaatooyin horena Jabuuti bay ka dhaceen , waxaanu iska kaashanaa oo xaga nabad-gelyadda ayaanu  ka wada  shaqaynaa,  nabadgelyaduna Somaliland waa noo muhiim, Itoobiya waa u muhiim, Jabuutina waa u muhiim. Xuduudahaasi waxa baadhista loogu sameeyay in la hubiyo in aan qaraxyo iyo dhibaato ka dhicin, waanay ka wada socdaan hay’adaheenna nabadgelyada qaabilsan iyo dawladaha jaarkuna arrimahaasi way iska ogyihiin, markaa xuduud xidhani ma jirtee arrimo nabadgelyo ayaa loo hakiyay.”

By. Khaalid Xabsi

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply