Baarlamaanka Dalka Jarmalka Ayaa Taageeray Qorshaha Midawga Yurub Ugu Kordhiyay Muddadii Loo Qabtay Siinta Daynta Dalka Giriiga

0
434

Baarlamaanka dalka Jarmalka ayaa u codeeyay in muddo dheeraad ah lagu daro barnaamijka lagu kaabayo dhaqaalaha dalka Giriiga oo muddooyinkii ugu danbeeyay hoos usii socday.
Ansixinta  ay  baarlamaanka dalka Jarmalku ansixiyeen taageradan loo fidinaayo in lakaabo dhaqaalaha dalka Giriiga ayaa ahaa mid si fudud ay u ansixiyeen xubnahani inkastoo ay jireen xubno kasoo horjeeday ansixingtan.
Tani ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo dad kasoo horjeeda siyaasadaha ay dawlada cusub ee dalkaasi ka taliyaa ku maamulayso dhaqaalaha dalkaasi ayaa ka dhacay magaalo madaxda dalkaasi Giriiga ee Athenes.
Inkasta oo uu raysal wasaaraha dalkaasi Giriiga ee Alexis Tsipras uu difaacay qorshaha muddada loogu kordhinaayo daymaha la siinaayo dalkiisa ayaa haddana waxa jira xubno ka mid ah Mucaaridka dawlada oo arintan kasoo horjeeda.

Leave a Reply