Madaxweynaha Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Qoyska Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore

0
391

Hargeysa (Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Silaanyo) ayaa waxa uu tacsi u dirayaa, Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo marwadiisa Jamiila Cigge Axmed,.oo aabehaad marxuum Cige Axmed Cabdi  oo 01/03/2015  (Shalay) ku geeriyooday magaalada Hargeysa laguna aasi doono maatana oo ay taariikhdu 02/03/2015 lagu aasi doono magaalada Boorama.
 
Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa sidoo kale guud ahaan shacabka Somaliland, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtiisiiba ka tacsiyeeyay geeridaas ku timi marxuumkaas.
waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
Qoraalkas ayaa waxa ku saxexnaa xoghayaha gaarka ah ee xafiiska saxaafada madaxtooyada Naasir Yuusuf Daahir. Alla ha u naxariisto marxuum Cige Axmed Cabdi marxuumka  ayaa waxa uu ka mid ahaa odayaashii kaalinta wayn ka soo qaatay hirgalinta qaranimada Somaliland iyo nidaamkii dib u heshiisiinta beelaha wada dega Somaliland.
 
 
Geesta kale gudoomiyaha xisbiga Kulmiye mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu tacsi taas la mida u diray ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuum Cige Axmed Cabdi. Dhambaalkaas gudoomiyaha ayaa waxa uu u dhignaa sidan
Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo xilka Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ka hoggaanka xisbiga, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxaan tacsi u dirayaa, qoyska, ehelka iyo qaraabada, gaar ahaan Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Md. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo murrashaxa jagada madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan geerida Marxuum Cige Axmed Cabdi oo geeriyooday. Waxaan Alle uga baryayaa inuu Marxuumka ku abaalmariyo jannadiisa Fardowza, qoyska, ehelka iyo dhammaanteena uu samir iyo iimaan innaga siiyo Aamiin…Aamiin…Aamiin. ALLAH                 MAHAD             LEH.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply