Badhasaabka Awdal Oo Kormeer Ku Tegay Jaamacadda Camuud

0
498

Boorama (Dawan): Badhasaabka gobolka  Awdal   Maxamuud  Cali  saleebaan (Ramaax)  ayaa shalay  kormeer indho indhayn ah waxa  uu ku tegay jaamacadda  Camuud ee magaaladda Boorama.
 
Kormeerkaasi oo ahaa mid uu badhasaabku ugu kuurgelayay habsami u socodka wax barasho ee jaamacadaasi,  ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay gudoomiyaha jaamacadda Camuud  prof. Saleebaan Axmed Guuleed iyo masuuliyiinta jaamacadaasi.
 
Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, guddoomiyaha jaamacadda Camuud oo badhasaabka ku soo dahweeyay jaamacadda ayaa uga mahad naqay kormeerka uu ku soo maray, isagoo sidoo kalena faahfaahin ka siiyay hawlaha waxbarasho ee jaamacadda iyo sida ay u socdaan.
 
Prof. Saleebaan oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi ‘’Waxaan aad ugu farax sanahay in badhasabka gobolka  uu manta (shalay)   booqasho ku yimaado jaamacada Camuud.  run ahaantii waa arrin farxadi  ay ku dheehan tahay waanu  soo wada maray goobaha ay jaamacadu ka kooban tahay,   jaamacada Camuud waa jaamacad dalka iyo dibadaba looga  yimaado oo aan cid gaar ah   ku koobnayn,  gaal iyo islaamba waa la wada dhigtaa.
 
Sanadkan  waxa u badnaa ardayda ku soo biirtay jaamacada,  gobolada Somaliland  oo dhan way kala yimaadeen,  Togdheer ayaa ugu badnaa,  Awdal ayaa ku xigta, Maroodi-jeex ayaa ku sii xigtay,  Sanaag ayaa ku sii xigay,  sidaas ayay isku si daba socdaan geeska Afrikana way ka yimaadaan ardaydu”.
 
Prof. Saleebaan, waxa uu sheegay in jaamacadda Camuud ay ka qayb qaadato shaqo abuurka gobolka Awdal, iyadoo ay dhigtaan jaamacadaasi arday ay tiradoodu kor u dhaafayso afar kun oo arday kuwaasi oo kala yimid goboladda dalka, wadamadda jaarka ah iyo meelo kaleba.
 
Waxaanu tilmaamay in ardaydaasi isaga kala yimid meelaha kala duwan in ay guryo ka kiraystaan  magaaladda Boorama, isla markaana ay ardaydaasi magaaladda soo geliyaan dhaqaale badan.
 
“Jaamacadu waxay ka qayb gaadataa dhinaca shaqo abuurka gobolka waxa dhigta arday kor u dhaafaya  ilaa  Afar kun oo arday oo ka kala yimid  dalka iyo dibadaba, kuwaasi  oo ka kiraysta magaaladda  Boorama guryo,  sidoo kalena soo geliya magaaladda dhaqaale badan.  waxaan filayaa in gudoomiye in  aan wada shaqaynteena  sii xoojinayno,  adigana aan kaaga mahad celinayno sida sharafta leh ee aad noo soo boogatay” ayuu yidhi guddoomiyaha jaamacadda Camuud.
 
 
Gudoomiyaha gobolka Awdal  Maxamuud  Cali  Saleebaan  (Ramaax), oo   isna halkaasi ka hadlay ayaa  amaanaay  sida ay  jaamacada  Camuud  u dabooshay baahiyaadka  dhinaca waxbarashadda  ee dalka.  Isagoo sheegay in jaamacadda Camuud  ay tahay jaamacadda keliya ee dal iyo dibad ba looga yimaado.
 
 
Waxaanu yidhi “Run ahaantii waxa ii farxad ah  in aan maanta (shalay) imaado ama aan soo booqdo jaamacadan  Camuud oo ah goobta waxbarshada  Somliland ugu weyn,  waa goob taariikh weyn ku leh Somaliland.  runtii aad baan ugu mahad celinayaa Gudoomiyaha jaamacada Saleebaan axmed Guuleed iyo macalimiinta halkan kala hawlga iyo maamulkaba.
 
Midhaheedu iima cusba imika aniga midhihii aad soo saarteen ha noqoto xagga waxbashadda iyo meel kaleba. Anigu hada  laba gobol ayaan hada ka soo shaqeeyay labadaba ayay Camuud wax naga tartay,  oo markaan u baahano caafimaad labadaba Ceerigaabo laftigeedaba Shaqaalihii caafimaadka ee loo qaadayay halkan baan ka qaadnay,  jaamacadani  qiimo weyn ayay ugu fadhidaa dalka dhamaantiiba ama geeska afrikaba”.
 
Waxaanu intaasi ku daray, oo uu yidhi “Ceerigaabo  oo ugu fog dalka oo hadana ka cabata shaqo la’aanta hadaan ilaa 26 qof oo reer Boorama ah ayaa ila joogay oo ka shaqaynayay Gobolkaasi markaasi.  jaamacada Camuud waa halka ay ka soo unkamayaan ama ay ka soo baxayaan mustaqbalka dadka hogaaminaya ama ka hawlgalaya dalka ee meel sare gaadhsiin doona”.
 
 
Dhinaca kale badhasaabku markii uu soo dhamaystay kormeerka uu jaamacadda Camuud ku tegay waxa kale oo uu soo maray  cusbitaalka la yidhaahdo Al-xayaat, isagoo soo indho indheeyay habsami u socodka hawlaha shaqo iyo adeegyadda uu fuliyo cusbitaalkaasi.
By :Nuuradiin C/laahi Dugsiiye
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply