Qanaacadu Waa Hanti Ma Guurto ah!

0
742

Inta Badan Marka aan Rabno Shay in aan Xukun Saaro Waxa ugu Horeeya ee aan Wax Ku Dhisno Shaygaas Waxa iinooga Muuqaada Muuqaal ahaa , Kadibna Waxaa Halkaas Ka Dhasha Shaygaas Hadii uu Yahay Shay Inaga Maqan Waxaan Bilownaa Ruuxa Haysta in aan Xaasidno!..
Balse Sida Dhabta ah Waxay Tahay Hadii aan Ogaan laheeyn Ruuxa Shaygaas Haysta iyo Xaalada uu Ku Noolyahay Waxaan Oran laheeyn “Alxamdu’lilaah” Allaah Waan uga Mahdin laheeyn in uu Isaga oo Kale Inaga Dhigin!.
WAA MAXAY TAQWO ?
Cumar Bin Khadaab RC ayaa ku yiri Ubayya Bin Kacab: Ubayoow waa maxay Taqwo?,, Ubayya wuxuu yiri: Cumaroow weligaa ma martay Dariiq Qodxaan badani Daadsan tahay?, Cumar ayaa yiri:- Haa…., Ubbayya ayaa misana yiri: oo sidee yeeshaa ama u socotaa markaad Dariiqaas mareyso?
Cumar wuxuu yiri:- Guntigaan Gaabsadaa oo Maradaan Rrursadaa, waxaana aad u Hubiyaa Halkaan Dhigaayo Lugtayda, Anigoo Qodoxda ka ilaalinaaya, Adimadaydana midna kor baan u Qaadaa, midna Wayar ayaan u Dhigaa Anigoo ka Cabsanaaya Qodaxda.
Ubayya ayaa yiri:- Haa waa sidaas Taqwadu waa in Guntiga loo Gaabsado Daacada Alle, lana Eego Xalaasha iyo Xaaraanta oo la iska Hubiyo, la sameeyo Xalaal Miirad, la iskana ilaaliyo Siibasho ama Simbiriirixasho, lagana Cabasado Alle SW.
Hadaba taqwo waa Aasaaska Diinta, iyada ayaa lagu Gaaraa Darajooyinka Yaqiinta, taqwadu waxay Quud u tahay Quluubta iyo Ruuxda, waana Dariiqa Nabad Gelyada.
wuxuu yiri Dallaq Bin Xabiib wuxuu yiri:- Haddii ay Dhacdo Fitno ku Demiya Taqwad, markaasaa la yiri: oo waa maxay Taqwo?, wuxuu yiri:- Taqwo waa inaad ku Shaqaysaa Daacada Alle, Adigoo ku Dul socda Nuurkiisa,Rajeeynaayana Abaal marinta Alle, Taqwo waa inaad ka Fogaataa wixii Macaasi ah Adigoo ku Dulsocda Nuurka Alle, Adigoo ka Cabsanaaya Ciqaabkiisa, waa hadalka ugu wanaagsan ee lagu Fasiray Taqwada.
 

Leave a Reply