Xaakinkii Qaraaquush ee Masar (Xukun Qarqoosh)

0
581

Xaakimkii Abu Saciid Qaraaqush Binu C/lahi Al-Asadi oo ku magac dheeraa Bihaa diin Qaraaquush wuxu ahaa edeegihii Salax diin Al Ayuub. Iyadoo la sheegay in markii hore uu ahaa adoon uu xoreeyay Saalax Diin Al-Ayuubi. Wuxu ah Turki. Magaca qaraaquush waa eray Turki ah, oo ah macnihiisu yahay gorgorkii madooba.  Markii uu Salaxadiin qabsaday dhulka Masar ayuu u dhiibay hogaankii gobolka Masar. Wuxu aha nin niyad wangaasan oo wax badan qabtay mudadii uu Masar xukumayay.  Wuxu dhisay dayrka Qaahira gidaarka xayndaabka ee Qaahira, Qalacadaha Buuraha, wadooyinka Ahraamta, iyo Ceelal biyood oo caan noqday meelo badan oo kale.  Wuxu ku dhintay Qaahira sandakii 587 Hijirya. Waxa laga qoray buugaag badan xukunkiisa qaarkood ay ku dheehan tahay qosol iyo madadaalo iyagoo sheegay inuu ku xukumi jiray sida uu isaga ay ugu muuqato. Sida ku qoran kitaabka xukunkii Qaraaquush.  Kitaabka lagu magcaabo Badaa’ica suhuur ee Ibun Iyas wuxu sheegaya inuu ah xaakin wanaagsan oo amuuraha si fiican u geli jiray, wuxuuna aha kii ugu siyaasada fiican Masar, dadku way jeclaayeen, waxayna ugu ducayn jireen cimri dheer”.
 

Leave a Reply