“Anigu Guri lama Joogayo Nin Bilaa Ilko Ah”

0
356

Wargeyska Daily Mail ee Ingriiska ayaa daabacay in Dhakhtarad Ilkaha oo lagu magacaabo Anna Makhuyag da’deedunat tahaya 34 jir la xidhay, ka dib markii ay ninkeeda oo lagu magacaabo Marek Olszywski oo u yimi xarunteeda xanuun ilkaha ay kaga aardgudatay dhinaca caafimaadka ilkihiisna ay ka soo wada daateen ka dib markii ay dawo siisay.  Ninkan ayaa sheegay in markii u suuxdintu ka baxaday uu dareemay in dhamaan ilkihiisu ay wada daateen. Dhahkhtaradan oo Poland u dhalatay xarunta lahayd ayaa tidhi :” Markii uu ii yimi anigu waxaan jeclaa in dareenkayga iyo mihnadayda shaqo kala saaro, oo cabashadiisa aan daweeyo, laakiin taasi way is bedeshay ka dib hadaladiisa foosha xumaa, waxaana aan isku idhi ka faa’iidayso fursadan doqonkan liita, weli xaqiraadda iyo jeesjeeska wada” .  Ninkan ayaa isna yidhi “ Waxay ahayd dhakhatarada xariifad ah isma lahayn sidan ayay samayn doontaa”. Waxaana intaasi ku daray in isla markii u guriga tegay gabadhiisa cusub ka tagtay guriga iyadoo u sheegtay in aanay joogayn haddii aanu ilko soo gashan. “ iyadoo hadalkeeda ku so xidhay “Angu guri lama joogayo nin bilaa ilko ah “. Maxkamadda ayaa ku xukuntay gabadhan 3 sano oo xadhiga ah.
 

Leave a Reply