“Waan Ku Qanacsan Nahay Xukuumadda Aan Ka Tirsan Nahay-ba, Ismanaan Casilin”

0
371

Hargeysa (DAWAN)- Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Xasan Siciid, ayaa beeniyay war sheegayay inuu is casilay, waxaanu tilmaamay inuu xukuumadda uu ka tirsan yahay iyo mansabka uu hayaba  ku qanacsan yahay.
Sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal uu Xalay na soo gaadhsiiyay, oo u dhignaa sidan:-“Waxa aan halkan ku beeninayaa war la iga faafiyay oo ah in aan is casilay. Arrintani waa mid aan sal iyo raad toona lahayn, mana jirto meel aan isku casilay ama iscasilaadayda kaga hadlay. Dawlada aan ka mid ahay iyo xilka aan ka hayo labadaba waa aan ku qanacsan nahay, waana waajib qaran oo madaxweynuhu  ii dhiibay ugana mahad celinayo. Waxa aan halkan ku cadaynayaa in aanay jirin haba yaraatee Iscasilaada la iga faafiyay.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply