Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex Oo Ka Hadlay Xiisadii Ka Dhacday Wajahada Hore Ee Tiyaatarka

0
357

Hargeysa  (Dawan)  Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex Maxamed Maxamuud Cali (Jeeniyare), ayaa ka hadlay murankii ka dhashay lahaanshiyaha wajadaha hore ee dhulka Tiyaatarka magaalada Hargeysa, waxaanu tilmaamay in talaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo khalkhalinaysa nabadgeylada.
Mudane Maxamed Maxamuud Cali Jeeniyare oo shalay warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa waxa kale oo uu taliyaha Booliska iyo ciidamada amaanka ku bogaadiyay sidii ay uga hortageen isku dhicii ka dhacay dhulka Tiyaatarka.
Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waanu cambaaraynaynaa dad intay qori qaataan meel gala ama isku day sameeya inay tahay qaranba ma jiro ama dawladiba ma jirto,  Ciidanka Booliska waanu u hambalyaynaynaa , ciidamadii kala ee nabadgelyada kala qayb qaatay iyo shacabka arrintaa aan soo dhaweyn meel ay joogaanba, wixii waxaas sameeyay ciidanka Boolisku talaabo ayay ka qaadayaan ama ciidamada kala duwan ee amaanku.”
Mudane Jeeniyare waxa kale oo uu intaa ku daray “Taliyaha Booliska, taliye ku xigeenka, hogaanka kala duwan ee Booliska, taliye qaybeedyada iyo ciidamadooda waan u hambalyaynayaa, waxaanu leenahay cidii waxaas isku dayda ciqaab dheeraad ah bay mudanaysaa oo ragii shalay waxaa isku dayay wixii ku dhacay waa la oghay , cid awood sheegan karta oo odhan karta dawladaanu ka xoog weynahay ama qoryaanu qaadaynaynaa jiri mayso, ciidamadu wey tudhayeen waanu ugu hambalyaynaynaa oo dadkooda shacabka ah ee khaldama inay u tanaasulaan,inay in badan la hadlaan oo yidhaahdaan shaydaanka iska naara, inay yidhaahdaan qoryaha dhiga oo soo dega.”
Guddoomiyuhu waxa kale oo uu intaa ku daray “Ninka shacabka ah ee qaata qori ama hub, toorayna ha ahaatee ee dawlada u hogaansami-waaya ama nabadgeliyo xumo sidii shalay (doraad) nimankaasi sameeyeen oo kale sameeya talaabo sharciga waafaqsan baa laga qaadayaa oo waanu uga digaynaa, inta i maqlaysa iyo inta waxaas oo kale ay ka guuxayaan iyo wax la mid ah waxaanu leenahay cagaha ha la dhigo”
Mudane Jeeniyare waxa uu ku baaqay in laga feejignaado falalka dhaawici kara dawladnimada, waxaanu yidhi “Ciidan baynu leenahay nooc kasta leh oo tababaran hub nooc walba leh wey haystaan, ma jeclin in dadkayaga shacabka ah in aanu faraha isla galno, waa waxaan Hargeysa ka dhicin intii ay Somaliland jirtay falkan oo kale, fal budhacdnimo ah ayuu ahaa waxaanu leenahay ciidamada nabadgelyada ha lala shaqeeyo oo dawlada ha lala shaqeeyo oo ha nalaga ilaaliyo waxyaabaha noocaas ah ee aan la yeelayn dawladina yeelayn. Waxaan ILAAHAY ka baryaynaa in nabagelyada uu inoo xasiliyo, cidii ay wax ku gaadheena waxaanu leenahay ALLE ha caafimaad ha siiyo, wixii khaldamay ee dhibtaa sameeyayna waxaanu leenahay ha u noqonina, kuwo kelana yaanay ku dayanin”
Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex waxa uu shacabka ugu baaqay inay ciidamada amaanka kala shaqeeyaan adkaynta nabadgleyada, waxaanu yidhi “Waxaan shacabkayaga ku celcelinaynaa halkaa waxaynu ku gaadhnay nabadgelyo iyo tallo, waxeena aynu ilaashano oo Nin dan leh iyo talaayeey yaa rer hebelaay mar hore ayaynu dhaafnay, talaayeey inaga oo reer hebela Ninka qori ku soo qaadanaya isaga iyo ciidamada dawladaa is helaya, waxa dhacaysa in xabad lagu dhufto oo aanu mag yeelan ileen waa budhcad ka horyimid dawladnimadii iyo nabadgelyada, waa lala saayiray nimankaa dib u dhicimayso wixii waxaas oo kale isku daya, shacabkana ka dulqaadayn mayno cid damacday inay nabadgelyadooda khalkhal geliso oo qaranimadeena xumaysa aad baanad u mahadsantihiin. Saaka (shalay) qorshahayagu falkaa budhacadnimada ah in aanu ka hadalno oo shalay rag isku dayeen, ILAAHAY-na waxaan ka baryayaa inay waxaas oo kale u dib u dhicin oo mar labaad iyo mar saddexaad waxaan u hambalyaynayaa taliyaha Booliska iyo dhamaan ciidamadiisa.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply