Kalluunka Oo Ka Dawo Ah Xanuuno Ku Dhaca Dadka Ku Nool Waddamada Warshadaha Badan

0
361

Baadhitaan caafimaad oo lagu ogaanayay xanuunadda inta badan ku dhaca Wadnaha aadamaha ayaa lagu guulaystay talaabooyin dabiiciya oo waxka tari kara, halista xanuunkaas, aadna u yarayn karaya, kuwaasoo ka wanaagsan, kiniinadda had iyo jeer dhakhaatiirtu siiso dadka bukaanka ah ee xanuunka Wadnaha ka cabanaya. Wadna xanuunka ayaa inta badan xiligan casriga ah ee lagu jiro noqday xanuunadda ugu badan iyo halisaha ugu balaaran dhinaca caafimaadka aadamaha.
Sida khubaradani xaqiijisay, waxa xanuunkan uu aad ugu badan yahay dallalka dhinaca warshadaha ka horumaray iyo magaalooyinka waaweyn oo intooda badan ay sabab u tahay ciriiriga iyo saxmadda gaadiidka iyo wasakhowga hawadda, oo ay sababaan qiiqa suntan ah ee gaadiidka iyo warshaduhu ku sii daayaan. Khubarada baaritaankan samaysay oo u badan kuwa qaliinadda wadnaha looga danbeeyo dunidda iyo kuwa dhuuniga caafimaadka aadamaha u fiican aqoonta balaaran u leh, ayaa sheegay in isticmaalka cuntooyinka badda lagaga gaashaman karo, halista cudurkan, sidoo kale khabiiradan ayaa talo ku siinaya dadka ka cabanaya xanuunka wadnaha inay aad ugu dedaalaan isticmaalka kallunka iyo khudaarta noocyadeeda kala duwan gaar ahaan Liin Macaanta, Qarbooshta iyo Liin dhanaanta.
Noocyada kala duwan ee liinta ayaa dhamaantood faa’iido u leh, xanuunadda wadno xanuunka, dhiig karka iyo xinjiraha ama dufanka sameeya ee dhiiga gala oo ah dux milixdu aad ugu badan tahay. Had iyo jeer dadka reer magaalka ah waxa ku badan fadhiga, kaas oo sabab u noqon kara in duxda dhiiga gashaa ku badato ka dibna keena xanuunadda wadnaha iyo dhiig karka (cholesterol) oo ah dux dhiiga gasha oo dufan ku samaysa waxay sii xoojisa wanaha oo dadka xanuuna iyo dhiiga oo aad u kaca, waxa kaliya ee lagaga badbaadi karaa waa isticmaalka Liinta iyo kaluunka oo labaduba leh ama ay ku badan tahay macdanaha dhiiga khafiifiya, halka liinta iyo kaluunka labadoodaba laga helo kaalshiyamka iyo maadooyin kale oo sahla ama khafiif ka dhiga dhiiga, taas oo halbowlayaasha iyo xididdada dhiiga u fududaysa in si sahlan uu u dhex jibaaxo.
 

Leave a Reply