Madaxweynaha Oo Dhagax Dhigay Dhismeyaashii u Badnaa Ee Abid Laga Hirgaliyo Cisbitaalka Hargeysa

0
366

Hargeysa (Dawan) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa waxa uu dhax dhigay dhisme ka kooban 60 qol,  kaas oo loogu tallo-galay  dadka bukaanka ah ee ku jira cisbitaalka Hargeysa. Sidoo madaxweynuhu waxa uu xadhiga ka jaray toddoba mishiino cusub oo lagu soo kordhiyay cusbitaalka guud oo uu ka mida yahay mishiinka loo yaqaan  (CT scan).
 
Kormeerkan waxa madaxweynaha ku wehelinaayay Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye), Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade,  Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye),Wasiirka wasaaradda warfaahinta, dhaqanka iyo wacyigalinta Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo masuuliyiin kale.
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa waxa uu sheegay in xukuumad ahaan ay dedaal badan ugu jiraan sidii loo taageeri lahaa horumarinta  adeegyada caafimaadka dalka.
 
Madaxweynuhu isagoo arrintaas ka hadlayay  waxa uu yidhi “Caafimaadku ahmiyad aad u weyn buu qaranka u leeyahay iyo dadkeenaba u leeyahay, markaa mar walba kordhintiisa iyo horumarintiisuba waa xil iyo waajib ina wada saran. Mar-walbana diyaar baanu u nahay in aanu gacan wayn ka gaysano wixii horumarintiisa keenaya.”
 
Agaasimaha guud ee cusbitaalka Hargeysa Dr. Axmed Cumar Askar oo kormeerkaas madaxweynaha warbixin ka siiyay xaaladda uu hadda ku sugan yahay cusbitaalku waxaanu  sheegay in cusbitaalku maanta maraayo meel aad u fiican xukuumada maanta jirtaana ay ku dedaashay sidii kor loogu qaadi lahaa tayada adeegyada caafimaad ee uu bixiyo cusbitaalku.
 
Agaasimuhu waxa madaxweynaha ku ammaanay sida uu ugu heelan yahay horumarinta caafimaadka guud ee dalka.
 
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) oo madaxweynaha ka hor hadal kooban madashaa ka jeediyay ayaa waxa uu sheegay in xukuumadda maanta tallada dalka haysaa ay tahay tii horumarka ugu balaadhan ka qabatay cusbitaalka guud ee Hargeysa illaa dawladii Ingiriiska.
 
 
“Intii aad Madaxweyne xilka haysay adeegyada caafimaad ee ku soo kordhay cusbitaalka guud ee Hargeysa kumay soo kordhin intii uu jiray. Waxaad maanta noo dhagax-dhigaysaa dhismihii ugu weynaa ee balaadhinta cusbitaalka Hargeysa Ingriiskii kadib,”ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadku.
 
 
Wasiirku isagoo hadalkiisa sii watay uu yidhi “Cisbitaalkan waxa la dhisay 1953kii, Ingriisku waxa uu sameeyay xiligaas 30 qol waanay ku filaan wayday baahidii dalka taalay maadaama oo uu yahay cusbitaal qaran. Markii aanu arragnay baahida weyn ee loo qabo qolalkan ayaanu go’aansanay in 60 qol oo cusub lagu kordhiyo. Ingriiskii ka dib xukuumadanaa ku guulaysatay inay cusbitaalka macno u yeesho.”
 
Madaxweynuhu waxa uu soo maray waadhadhka cusbitaalka isagoo dadkii bukaan ahaa ee k u jirayna ugu duceeyay in illaahay caafimaad siiyo. Geesta kalena, waxa uu madaxweynuhu socod ku soo maray jidka u dhaxeeya Madaxtooyadda iyo Cisbitaalka guud ee Hargeysa, iyadoo dadweynuhuna ay si weyn ugu soo dhaweeyeen, gacmahana u taagayeen.
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply