Wasiir Xirsi Oo Dhabarka u Saaray Soomaaliya Masuuliyadda Wada-hadaladii Bur-buray

0
344

Istaanbul (Dawan)-  Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa si adag uga hadlay baaqashadda shirkii labadda dawladdood ee Somaliland iyo Soomaaliya ku dhex-mari lahaa wadanka Turkiga.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sheegay in  waftigii ka socday dawlada Somaliland ay si rasmi ah u shaaciyeen in aanay wada hadal la geli doonin Xukuumad aan dhawrayn qodobada lagu heshiiyo.
Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa kale oo uu sheegay in joojinta shirkaasi ay sababtiisu tahay, kadib markii dhinaca dawlada Soomaaliya ay jabiyeen qodobo kamid ah kuwii horay loogu heshiiyey, masuuliyadda burburka shirkaasina ay leedahay dawlada Soomaaliya.
Wasiirka madaxtooyada Somalilannd mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu arrintaasi kaga hadlayay oo uu ku baahiyay bartiisa internet-ka ee guusha.com, qoraalkaasi oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan:-
“Xukuumadda Somaliland waxaa marwalba ka go’an in ay marto jid walba oo ku hogaamin kara kala gurashada wixii mar Soomaliya iska galay.
Waxaa si rasmi ah u xidhmay laguna kala kacay wada hadaladii lagu waday in ay ka qabsoomaan dalka Turkey-ga halkaas oo ay ku wada hadlayeen labada dal ee Somliland iyo Soomaliya
Joojinta shirkaas ayaa sababtiisu tahay kadib markii dhinaca Soomaliya ay jabiyeen qodobo kamida kuwii horay loogu heshiiyey , waftigii Somaliland ka socdayna aanu si rasmi ah u shaacinay in wax wada hadal ah aanu la geli doonin xukuumad aan dhawrayn qodobada lagu heshiiyo.
Masuuliyada kala kaca shirkaasna waxaa si aan lala wadaagin dusha u saaranaya xukuumadda Soomaliya oo ku sifaysan mid aanan dhawrayn qodobadii la isku ogaa isla markaana wada hadalada ku soo dartay 5 xubnood oo dhalasho ahaan Somaliland ka soo jeeda balse shaqo ahaan u jooga Xamar!
Xukuumada Somaliland oo ku kalsoon shacabkeeda isla markaana kaashanaysa Allaha Awooda badan waxay caalamka u sheegaysa in dalka Somaliland yahay dal dimuquraadi ah oo bulshadu codkeeda ku doorato dawlad ka kooban Madaxweyne, Ku Xigeen, iyo Goleyaal Qaran iyo sidoo kale Xisbiyo ku Metala Siyaasadda, mana jirto cid ay Soomaliya u dirteen oo magaca Somaliland ku metali karta,mana aqbalayno in dadkayaga loo isticmaalo wada hadalada u dhexeeya labada dal.”
By: Axmed  M. Saleebaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply