Cuntooyinka Filimada Lagu Daawado Waa Kuwo Keeni Kara Culays Xad Dhaafa

0
379

Daraasad cusub oo dhowana lasoo saaray ayaa tilmaantay in cuntooyinka badan ee la cuno marka la daawanaayo filimadu ay keento buurni xad dhaaf ah ,taas oo dadka ku keeni karta khatar dhinaca xanuunada wadnaha ah.
Daraasadan ayaa si gaara usoo qaadatay daawashada filimada inta badan ku salaysan murugada ,kuwaas oo ay dadku markay daawanayaan isku ilaawaan cuntooyinka ay cunayaan ,gaar ahaana meelaha filimada lagu daawado.
Daraasadan oo lagu daabacay wakaalada lagu magcaabo Middle East News Agency ayaa lagu tilmaamay in dadka filimadaasi daawadaa ay ka cunto badan yihiin markay caadiga yihiin 28%,halka ay filimada caadiga ahna cunaan 25% ,waxaana inta badan awooda leh filimada laga metelo Jacaylka ee qiirada ah iyo kuwa kale ee naxdinta ku salaysan .
Daraasadan ayaa waxa samaysan jaamacadda lagu magcaabo Cornell University oo ku taala wadankaasi Maraykanka,taas oo kamid ah jaamacaddaha sameeya daraasadaha ugu badan wadankaasi jaamacaddaha ku yaala.
Professor Brian ayaa sheegay in dadku markay daawanayaan filimada murugada ah inay inta badan cunaan cunto badan iyaga oo aan u aabo yeelayn,taasina ay keeni karto inay cunaan cunto aan nadaafad ahaan fiicnayn mararka qaarkood.
Waxaanu intaas ku daray in dadkani aanay eegin xataa cuntayday cunayaan inay dhacday iyo in kale,sidoo kalena tayo ahaan in aanay iska hubin siday tahay,sidaasna waxa uu u sheegay wargeyska lagu magcaabo Gamma of  International Medicine Exhibition.
 
 
 
 
 
 

Leave a Reply