Guddoomiyaha KULMIYE Oo Sheegay In Aanu Habdhaqan U Lahayn Aflagaadaynta Culimada

0
351

Hargeysa (Dawan) – Xisbiga tallada dalka  haya ee KULMIYE ayaa beeniyay war ay baahiyeen warbaahintu, kaas oo sheegay in Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi uu aflagaado u geystay culimada dalka, islamarkaana uu ku tilmaamay kuwo aan bulshada u tudhin.
 
Warsaxafadeed ka soo baxay xisbiga KULMIYE waxa kale oo lagu sheegay in  Muuse Biixi iyo masuuliyiinta xisbigu aanay hab-dhaqan u lahayn aflagaadaynta culimada, waxaanay warbaahinta uga digeen inay bulshada u tabiyaan  warar aanay hubsan, warsaxafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:-
 
“Waxa maalintii Salaasadda ee taariikhdu ahayd 03/03/2015 lagu daabacay warbaahinta qaarkood war la xidhiidhay hadal dardaaran iyo tilmaan ahaa oo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi jeediyey, balse saxaafadda qaarkeed, gaar ahaan Wargeyska HIMILO si cad u marin-habaabiyey oo aflagaado ku ah culimada oo dalkan iyo dadkiisaba karaamo iyo qadarin ka mudan.
Haddaba, waxa xisbiga KULMIYE u caddaynayaa shacabka reer Somaliland in warkaasi ahaa mid si been-abuur cad ah loo dhigay sida Wargeyskii baahiyeyba ku saxay cadadkiisii maanta (04/03/2015).
Gabogabadii, aflagaadada birmagaydadu maaha dhaqanka Guddoomiyaha iyo madaxda kale ee xisbiga KULMIYE toona, waxaannuna warbaahina uga digaynaa faafinta wararka been abuurka ah ee ka soo horjeeda anshaxa iyo xeerka saxaafadda dalka.”
By: Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply