Wasiirka Ganacsiga Oo Beeniyay Inuu Is-casilayo

0
393

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland Dr. Muuse Qaasim Aw Cumar, ayaa sheegay in aanay jirin sababo uu xilka isaga casilo, waxaanu tilmaamay in Madaxweynuhu xaq Dastuuriya u leeyahay inuu kala bedeli karo golihiisa Wasiirada.
Muuse Qaasim oo shalay warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa waxa kale oo uu ka hadlay Wasiirada Madaxweynuhu u kala bedelay Wasaaradaha, waxaanu sheegay in aanay saamayn gaar ah ku yeelan isku-shaandhayntii lagu sameeyay golaha Wasiirada.
Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayay, waxa uu yidhi “Wararka kutirikuteenka ah ee la isla dhexmarayay ee ah in Wasiirka ganacsigu uu is casilayo, waxaan halkan maanta (shalay) ka cadaynayaa in warkaa wax alaale iyo wax ka jira aanay jirin oo aan anigu Nin is casilaya ahayn, sabab aan isku casilaana aanay meesha oolin, dhacdada maalintii dhaweyd dhacday waxaan anigu aragtidayda gaarka ah u arkaa Madaxweynuhu wuxuu xaq u leeyahay oo Dastuurki siinayaa inuu golihiisa Wasiirada kala bedali karo, inuu qaar cusub magacaabo iyo inuu qaar xilka ka qaado. Waa waajib Datsuuriya oo Madaxweynuhu iska leeyahay markaa xaqiisii Dastuuriga ahaa ayuu gutay, sidaa darteed wax alaale iyo wax saamayn ah oo gaar ah oo ay aniga igu yeelatay ma jirto.”
Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi “Saaxiibaday haddii ay qaarkood saluugeen, saaxiibtinimadu ujeedooyin badan bay leedahay wax badana dadku wey wadaagaan, wax badana wey ku kala duwan yihiin markaa anigu waxaan u arkaa isku-shaandhayntaa dhacday wax caadi ah oo Datsuuriya, oo Madaxweynuhu keligii iska leeyahay.”
Wasiirka ganacsigu waxa uu intaas ku daray “Samaalle iyo Abiibi saaxiibo isku dhaw ayaanu ahayn, iyaguna duruufahooda gaarka ah iyo dano ay leeyihiin ayay ku gadheen in ay is casilaan, aniguna wali tiinkii Madaxwayne Siilaanyo ayaan ku jiraa oo waliba saaxiibo badan ayaan leeyahay, markaa ilaa hadana waxaan Xukuumadda kaga baxo ma arko.”
By: Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply