Shacbiga Somaliland Oo Dal Jacaylkooda Ku Muujiyay Soo Dhaweyn Ay Ugu Abaal-celiyeen Weftigii Casharka u Dhigay Dawladda Xamar

0
438

Hargeysa(Dawan):- Weftigii Somaliland uga qayb galayay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee qabsoomi waayay,ayaa dalka dib ugu soo noqday shalay ka dib markii ay dawladda Soomaaliya   ay jabisay qodobbadii suurta galin lahaa qabsoomidda wada hadaladii lagu waday inay Axaddii todobaadkan ka furmaan magaaladda Istanbuul ee dalka Turkiga.
Weftiga Somaliland uga qayb galayay wada hadalada oo shalay  ka soo degay garoonka caalamiga ah ee Cigaal  intranational airport  ee magaalada Hargeysa,ayaa la kulmay soo dhawayn waddaniyadeed oo aad u sarraysa oo ay ku qaabileen bulshada reer Somaliland taasoo ay ku muujinayeen shacbi weynaha caasimadda Hargeysa sida ay u taageersan yihiin weftiga ka diiday Soomaaliya waxaan u cuntamayn qaranka Somaliland in ay isku soo hor fadhiistaan.
Soo dhaweynta Weftiga soo noqday dalka Turkiga oo ay ka qayb galeen Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland, xildhibaanno,Madaxdhaqameed,ardayda dugsiyada  caasimadda Hargeysa  iyo dadweyne aad u tiro badan oo muujinayay sida ay u taageersan yihiin in aanay Somaliland hor fadhiisan xubno ay Soomaaliya soo diratay oo calooshood u  shaqaystayaal ah oo  dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland,ayaa markii ay weftigu ka soo degeen madaarka waxaa ugu horrayn halkaa ka hadlay oo kelmado soo dhaweyn ah ka jeediyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde.
“Waxaan idiin sheegayaa in ummadda Somaliland maanta dariiqyda wada taagan tahay iyagoo ka xun wixii ay Soomaaliya la timi iyo khiyaamadii ay wateen iyo tallaabada geesinimada  leh ee aad qaadateen.”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo xubin ka ahaa weftiga Somaliland uga qayb galayay wada hadalada Soomaaliya dhaawacday ee ku qabsoomi lahaa dalka Turkiga ayaa caddeeyay in weftiga uu ka midka ahaa ee u tegay dalka Turkiga wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo la fadhiisan  waayay xubnaha calooshood u shaqaytayaasha ah ee Soomaaliya soo diratay in ay ka turjumayeen qadiyadda qarannimada Somaliland oo aan wax gor gortan ah laga gali Karin,waxaanu yidhi Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax.
“Wixii aad doonayseen ayuun baanu doonaynaa   Qarannimada Somaliland-na maaha wax gorgortan laga galayo wax kasta oo inagu yimaadana  qaddiyadeena iyo qarannimada Somaliland-na waa muqadas,wax kastaa ha ina soo gaadheen jaran jaro dheerbaa inoo furan,waynu soconaynaa hore ayaynu u soconaynaa cid aynu ka haybadaysanaynaa ma jirto cid aynu u tudhaynaa ma jirto  illaa aynu gaadhayno halka aynu u socono,”ayuu yidhi Guddoomiye kuxigeenka golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo ahaa hoggaamiyaha Weftiga Somaliland, tilmaamay in sababta ay shirka Soomaaliya uga qayb gali waayeen ay tahay Muqdisho oo wada hadalka u soo diratay shaqsiyaad u dhashay Somaliland oo calooshood u shaqaystayaal ah taasoo aan markii hore la isku ogayn in ay soo dirtaan xubno dhalashadoodiiba ka  been sheegay oo aan cidna matalin.
“Marka hore waxaan aad iyo ad uga  mahad naqayaa sida wanaagsan ee aad noo soo dhaweyseen iyo shucuurta waddaniyadeed ee idinka muuqata waxaanu ognahay in shicibka Somaliland oo dhami mid yar iyo mid waynba  maanta(shalay)waddooyinka taagan yihiin  oo ay muujinayaan qarannimadooda,Somaliland qaranimadeeduna maaha wax gor gortan laga galayo.”
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland isagoo hadalkiisa sii wata waxaa  uu intaa ku daray.“Somaliland sidaynu in badan sheegnay qaranimadeedu waa muqadas wax gor gortan ahna lagama galayo,taa anagoo ka duulayna ayaanu istanbuul tagnay,waxaad la socotaan in anagoo aan Hargeysa ka tegin aanu u sheegnay dawladda Muqdisho in aanaan la fadhiisan doonin haddii ay soo dirtaan xubno u dhashay Somaliland oo iyaga shirka ku metelaya tilifoon ayaanu ugu sheegnay qoraal rasmi ah ayaanu ugu dirnay iyagoo og in aanaan la fadhiisanayn cid Somaliland u dhalatay oo iyaga ka socota wada hadalkuna uu yahay mid u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya ayay shan xubnood ku soo dareen oo Somaliland u dhashay weftigooda, weftiga aan hoggaaminayo oo aan aad ugu mahad naqayo waanu tashanay waxaanan go,aan ku gaadhanay in aanaan hor fadhiisan weftigaa ay ku jiraan xubnaha Somaliland u  dhashay ee Soomaaliya metelaya,shirii muu dhicin maamu hor fadhiisan kii hawada iyo kii kale midna muu dhicin waxaanu shuruud kaga dhignay la fadhiisan mayno,sharcigayaguna waxaa weeyaan dadka Somaliland u dhashay ee halkaa(Soomaaliya) joogaa anaga waxay naga qoran yihiin dambiilayaal mana arki karno dad caynkaas ah oo gacan ku dhiglayaal ah dambi qaranna galay, shir dambe oo Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeyana kama qayb galayno inta ay dadkaasi ku jiraan.”
Wasiir Biixi ayaa intaa ku daray isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Somaliland maanta guulbaa u soo hoyatay qofna ka aqbali mayno in uu dhaawaco qaranimadayada,Somaliland qadiyadeeda way ku adag tahay mana hor fadhiisan doonto dad Somaliland u dhashay  oo muqdisho ka socda sababtoo ah kuwaasi dhankeena waa dambiilayaal wada hadalkuna  wuxuu inoo dhexeeyaa oo kaliya qolada Soomaaliya inta ay cid kale soo diranayaanna wada hadli mayno,Qaranimada Somaliland-na waa mid inagu wayn oo aynaan cidna ka ogolaanayn in ay khiyaamo imagula dhaqanto il dheer ayaynu u leenahay ilaalinta qaranimadeena. Mar labaad ayaan u mahad naqayaa guud ahaan dadkiina sida qiirada leh ee qaranimada leh noo soo dhaweeyay anigoo ku hadlaya afka weftiga.”ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada  Somaliland.
Wasiirka Madaxtooyadda Md. Xirsi  Cali Xaaji Xasan, oo ka hadlay soo dhaweynta weftigooda loo sameeyay ayaa si weyn ugu mahad celiyay shacbiga reer Hargeysa ee aan u kala hadhin soo dhawayntooda, waxaanu yidhi “llaahay mahadi ha ka gaadhee waxaan soo gaadhnay Caasimada Somaliland ee Hargeysa annagoo nabad iyo caafimaad qabna.Markii aan ka soo degnay gegada Caalamiga ah ee Cigaal ayey kumanaan iyo kumanaan shacabka gobta ah ee reer Somaliland nagu qaabileen dareen waddaniyadeed oo ay ka muuqato shucuur dal jacaylnimo iyo adkayn qaranimo.
 
Arrintan  oo kale ayaa fariin toos ah u gudbinaya dalalka ku hawlan wada hadashiinta Somaliland iyo dalkii ay mar wax wada lahayeen ee Soomaliya fariintaas oo ah sida shacabka reer Somaliland ay uga go’an tahay ilaalinta qaranimada Somaliland iyo sida ay kalsooni buuxda ugu qabaan weftigii uga qayb-gelay wada hadalada.”
 
“Hubaal marka aad aragto sida dadkaagu kuu barbar taagan yihiin isla markaana dareen soo jeeda isha ugu hayaan tallaabo walba oo masuuliyiintoodu qaadayaan ayaad helaysaa tamar intii hore ka badan oo waa dhab in dadka Geesi lagu yahay.
 
Waxaa xaqiiqo ah in beesha caalamka aan u sheegnay in kalmad walba oo aan ku hadlayno iyo go’aan walba oo aan qaadanayno yahay mid ku salaysan rabitaanka shacabkayaga isla markaana qadiyada Somaliland tahay mid ku dhisan afti dadweyne oo mudan in la ixtiraamo, waan ku faraxsanahay in aad maantana ficil ahaan ku muujiseen intii aan afka horay uga sheegnay,”ayuu yidhi Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan.
 
 
Weftiga Somaliland,ayaa intii ay ku soo jireen jidka weyn ee isku xidha madaarka caasimadda Hargeysa iyo qasriga Madaxtooyada waxay jidka kala kulmeen soo dhaweyntii ugu balaadhnayd iyadoo ay jidadka waddooyinka ay soo marayeen ay dadweynuhu ku sugayeen lana taagnaayeen caleemo qoyan iyo qoraallo ay ku taageerayaan qadiyadda Somaliland iyo sida weftiga Somaliland ay ula fadhiisan waayeen kooxda ka socotay Muqdisho ee ay ku jireen xubnaha u dhashay Somaliland ee qaranimada dambiga ka galay.
Weftigan oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis, waxa xubno ka ahaa Wasiirrada Madaxtooyadda, Beeraha, Wasiirka cusub ee shaqadda, Guddoomiye ku xigeenadda Wakiiladda iyo Guurtida, Guddoomiyaha Guddi hoosaadka arrimaha dibadda wakiiladda iyo xildhibaan ka tirsan golaha Guurtidda.
By: Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply