‘Waxa Aynu Ka Baranay Inaan La Aamini Karin Heshiisyada uu Galo Madaxweynaha Soomaaliya’

0
386

Hargeysa (Dawan)- Gudoomiyihii hore ee Hay’adda shaqaalaha dawlada Somaliland Mr. Cabdiraxmaan Ismaaciil Xuseen (Cadami) oo hadda ah  siyaasi madax banaan ayaa waxa uu ka hadlay wada hadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya ee uu dhex-dhexadinayay wadanka Turkigu, kaas oo  kulankii ugu dambeeyay ka qabsoomi waayay facaa’il ka yimid xagga Soomaaliya, waxaanu sheegay in aan la aamini Karin madaxweynaha Soomaaliya oo noqday mid aan fulin waxa uu dawlad kale la galo, kana baxa heshiisyada uu gacantiisa ku saxeexo.
 
Mr.  Cadami oo shalay u waramayay wargeyska DAWAN,  ayaa macneeyay dhacdooyinka laga baranayo axdi xumadda hoggaamiyaha Soomaaliya, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu  yidhi “Waxa kale oo aynu ka baranay beesha caalamkuna ogaatay in aan la aamini Karin ama laysku halayn Karin heshiisyda iyo balan qaadyada uu galo madaxweynaha Soomaaliya.  In caalamkii iyo cidii danaynaysay wada hadaladaasi fahantay  inay wada hadaladu ka socon waayeen dhinaca Soomaaliya.”
 
“Madaxweynaha Soomaaliya wuu ku tallo galay markuu ragan aynu maqalnay ee reer Somaliland soo diraayay ku tallo gal bay ahayd shirku inaanu qabsoomin, haddii uu qabsoomana lagu kala kaco. Markaa waxay ahayd wax ku tallo gal ah ee wax ka dhashay khilaaf labada wefti ah may ahayn,”ayuu ku dooday Guddoomiyihii hore ee Ha’yadda shaqaalaha Somaliland.
 
 
Cabdiraxmaan Cadami  oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi  “Shirkaas fashilmay ee xaga Soomaaliya ayuu ka fashilmay Somaliland iyo beesha caalamku waa maxay casharka ay ka baranayaan?.  Kow waxa la odhan karaa madaxweynaha Soomaaliya inaanu aqoon badan u lahayn dublamaasiyada caalamka. Inaanu garan Karin dhaawaca iyo sharafta madaxweyne dal saxeexiisa haddii la jabiyo ama la fulin waayo muu garan.”
 
“Waxaan hambalyaynayaa weftigii wada hadalada u matalaayay Somaliland, weftigaas waxaan ku hambalyaynayaa mawqifkii ay iska taageen iyo farriintii ay u gudbiyeen beeshii caalamka ee wada hadallada danaynaysay, taas oo ahayd Somaliland  waxay u timi inay la hadasho wefti ka socda Soomaaliya ,” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Ismaaciil Xuseen.
 
 
Waxa kale oo uu sheegay in weftigii Soomaaliya soo dirsatay ay ku tallo galeen burburka wada hadalada, isagoo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi “Bulshada xoolo dhaqatada ah marka ay wax dhex maraan ee la doonayo in laga wada hadlo waxaas yar ee dhex  maray reeraha, haddii la doonayo arrinkaas xal laga gaadho waxa loo diri jiray rag gaar ah oo la yaqaano. Marka la doonayaayo in aan meeshaa aanay ka soo bixin wax wanaag ahi ama laguba kala kaco waxay u diri jireem rag gaar ah oo arrinka ka firdhiya.”
 
Mar uu ka hadlayay waxa uu siyaasi ahaan ku talinaayo waxa uu yidhi “Waxaan odhan karaa in aan laga niyad jabin. In xukuumada Somaliland kulamada Somaliland dib u eegis lagu samayso siyaasada wada hadalada ay la galayso Soomaaliya mustaqbalka. Inay xukuumada Somaliland si mug leh ugu ban-dhigto beesha caalamka inuu shirkii ka socon la’ yahay Soomaaliya dawladay Xamar Ku koriyanaayaan. Inaan wada hadalada Somaliland aanay tagin illaa laga fulinaayo heshiisyadii hore ee loo wada joogay, shir walba wixii ka soo baxay marka la fuliyo in ka dambe la tago markaa kuwii hore oo aan la fulin kan dambe macno samayn mayo.”
 
Waxa uu guud ahaan reer Somaliland u soo jeediyay in meel looga soo wada jeesto ilaalinta iyo difaaca qaranimadeena, waxaanu yidhi  “Muxaafid, mucaarid iyo shiciba waxaad moodaa in aynu kartideenii iyo awoodeenu aynu ku isticmaalay loolanka dhexdeena. Soomaaliya iyo cadawgeena kale way innaga faa’iidaysanaysaa saamayn baanay ku yeelanaysaa wada hadalada aynu galayno.” Isagoo hadalkiisa sii watay waxa uu intaa ku kabay  “Dal walba oo dunida ahi xisbiyo muxaafid iyo mucaaradba wuu leeyahay laakiin, tartanka waxa ka weyn qaranimada mida walibana wuxuu doono ha aaminsanaadee geestiisuu ka ilaaliyaa. Markaa waxaan leeyahay waa in loo midoobaa danta guud.”
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
 
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply