Maxamuud Aadan Dheri Oo Wasiirka Duulista Ku Majeertay Horumarinta Madaarrada

0
476

Hargeysa (DAWAN)-Maxamuud Aadan Dhari oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Wasiirka Duulista Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi uu xaqiijiyey is badal muuqda oo la taaban karo, isla markaana uu mudan yahay bilad sharaf Qaran.
 
Maxaxmuud Aadan oo arrimahaasi ka hadlayay wuxuu  yidhi “ Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa nagu casuumay laba wiig horteed dad faro badan Madaxweynuhuna uu ku jiray casuumaadaas oo Madaarka Berbera ayaa la furaayey, sida xaqiiqda ah aniga oo laba qaybood ka tirsan oo qaybi tahay Guddida Jaamacada Burco, qaybina ay tahay Gudidda wadada cusub ee Ceerigaabo, madaarkii Berbera markaanu tagnay wax cusub ayaanu aragnay, todoba sano horteed ayaan xajka tagayoo halkuu madaarku joogay iyo halkii itaalkiisu uu ahaa sidii dhismuhu uu ahaa ayaan aad u xasuustay madaarkii oo is badalay, oo Daaro waaweyn oo qurux badan oo beero faro badan loo sameeyay oo aad yaabayso quruxdooda oo diyaaradu soo dhawaanayso oo ay imanayso halkaa hortooda, ayaan la kulmay, sida xaqiiqda ah waxaan mooday markaa tolow ma dhulkii carabtii ayaad joogtaa, markii la yidhi qoladan Kuwaydiyinta ah ayaa idinka caawisay oo gacan ku lahayd ayaan is idhi tolow ma Carabtii ayaad joogtaa, ilayn daaartan maad arag markii kuugu dambaysay ee aad xajka qabataye.”
 
Isagoo hadalkiisa sii watayna wuxuu yidhi “Markaas taasi aad iyo aad ayey ii farax galisay, sida xaqiiqda ah Wasaaradaasi sida ay u shaqaysay, iyo sidii warbixintii nala siiyey sidii iyo xayndaabkan dheer ee taarka ah ee madaarka Berbera sida loo sameeyey ee Wasaaraddu u samaysay oo uu Wasiirkuna hormood u ahaa, markaas ayaan hadana xasuustay todobadaas sano horteed, isla wakhtigaas Hal dhalaysa oo diyaaradi jiidhay, qoladaas lamaan socan ee laakiin falaydkii ka danbeeyay ayaan ahaa oo ay madaarka ku jiidhay, ayaan xasuustay iyo maanta sida xayndaabka loogu sameeyey ee aan xoolo iyo dad midna u soo galaynin, iyo daarta dhismaheedii, taas aad iyo aad ayaan ugu hambalyeeyay Wasaaradda duulista iyo Wasiirkaba,”
 
Gudoomiyihii hore ee Gobolka Togdheer Maxamuud Aadan Dhari ayaa sidoo kale intaas ku daray “waxaan arkay inta uu Maxamuud Xaashi ka dhisay ee madaaradda Hargeysa iyo Berbera, dabadeedna waxan idhi Qoodhaa iyo xeradaa, Wasiirkan iyo shaqaalihiisuba waxa ku wanaagsan bilad geesi in la siiyo, dee anuu kolay idin siiyey sida xaqiiqada ah, Madaxweynuhuna idin sii oo waakii labada Madaarba furay, intaasi waa waxyaabaha aan aad u jeclaystay, ee afar sano iyo badhka ay dawladdan Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) uu ka madax yahay ay badashay wixii dawladii hore ee Siyaad Bare ay masaxday, daaraha ay dhiseen meesha madaarka Caasimadu sida uu yahay, iyo waxa laga qabtay waa wax qiimo badan, halka la fadhiisanaayo ee soo dhaweynta dadka,  beeraha iyo mutulasha yar yar waxaad is odhanaysaa dee yurub ayaad joogtaa,”
 
Gabagabadiina Oday Maxamuud Aadan ayaa sidoo kalena Wasiirka dulista ugu baaqay inuu wax ka qabto dhismaha Madaarka Buco, waxaanu yidhi “ markaa waxaan leeyahay Wasiirka iyo shaqaalahiisu aad iyo aad ayey shaqo wanaagsan u qabteen, hadaba Wasiirka Maxamuud Xaashi Cabdi Waxaan leeyahy iyo idinkaba, dee adeer Burcaa hadhay ilayn Caasimadii labaad ayaanu nahaye, oo Burco goorma ayaad tagaysaan ilayn anagu inta kale waanu ka weyn nahee?.” Ayuu yidhi Maxamuud Aadan Dheri.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply