Shan Kontiinar oo Sigaar Dhacay ah oo Lagu Gubay Berbera

0
448

Berbera (DAWAN)-Magaalo xeebeeda Berbera ee gobalka Saaxil ayaa shalay lagu gubay shixnad ka koobnayd shan kontiinar  oo sigaar ah oo u dhiganta shan kun oo kartoon ama tanakadood oo Sigaar wakhtigiisa dhacay ah.
 
Sigaarkan dhacay ee la gubay waxa dalka keentay dabyaaqadii sanadkii hore  shirkada magaceeda la yidhaahdo AWIL GROUP OF COMPANY. Ha’yada Dhowrista iyo Illaalinta Tayada agabka  Somaliland ayaa fulisay hawl-galka shixnadan sigaarka dhacay ah lagu gubay.
Agaasimaha Ha’yada Dhowrista iyo illaalinta tayada Somaliland ee gobalka SaaxilMuxiyadiin Cumar Cabdi, oo isla goobta lagu gubayay sigaarka warbaahinta kula  hadlay ayaa sheegay  “Waxaan halkan ku gubi doonaa annagoo ah ha’yadii tayada agabka  (quality control) oo kashanayna masuuliyiintii gobalka, maaliyada kastamka, dekada iyo dowlada hoose iyo laamaha  ku shaqada leh oo dhan sigaar kaas oo dekeda ka soo degay oo ahaa shan kontiinar xiliga uu soo degayna ahayd bishii 7/12/2014.”
sarkaalkaasi  waxa uu balan-qaaday in badeecad kasta oo dhacday la gubi doono.  Mukiilaha shirkada AWIL GROUP OF COMPANY , Cawil Cowl, ayaa sheegay in adduun badan uu ku khasaarey Sigaarkan dhacay ee la gubay oo noociisu ahaa Imperial Royal. Ka dib markii ay ogaadeen wakhtiga dhicitaanka uga hadhsaneyd oo yarayd awgeed, kuna wargaliyay ha’yadaha ku shqada leh inay waajibaadkooda shaqo ka gutaan oo ay gubaan. Sigaarkan ayaa lagu gubay meel masaafo ahaan u jirta magaalada Berbera 15 km.
By: Yoonis M.Jaamac
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply