Qiso: Guurka Wanaagsan

0
1406

Ibnu Cabaas (RC), wuxuu yidhi: ”Nin ayaa u yimid Rasuulka (scw), oo yidhi:” Rasuul Alloow waxaan ahay Waaliga ama Mas’uulka Gabadh  Agoon ah, Laba Nin ayaa soo Doonay  oo raba inay guursadan, Midkood uu yahay Maalqabeen, Midna waa  Miskiin Gacan Madhan, marka Waxaan Doonaynaa inaan Siino kan Maalqabeenka ah, laakiinse iyadu waxay Doonaysaa ninka Saboolka ah. Nabiga (scw) ku yidhi Ninkii: “Guurku wuxuu Munaasib u yahay Dadka is Jecel ee is Raba”. (waxaa wariyey  Ibnu Maajah).
Nin ayuu wiil Dhashay, markaasuu u tagay Sheekh ka Fadwooda Arimaha Bulshada, oo ku yidhi: “Sheekh Wiil ayaa ii Dhashay, waxaan kaa Rabaa inaad ii Sheegto habka wanaagsan ee aan u Tarbiyadeeyo?, Sheekhii ayaa ugu jawaabay Ninkii:”  Waan ka xumahay, Waa goor danbe, hadda maaha inaad ii Timaado ee waxaa loo baahnaa inaad ii Timaadid Markaad Guursanaysay Wiilka Hooyadiisa, oo wakhtigaasi ayay Bilaabantaa Tarbiyada Caruurta”.  Xikamdda aya ah Nin iyo gabadhaba waa in qofku marka hore xushaa oo iska hubiya qofka uu guursanayo, maxa yeelay waa arrin mustaqbal ah. Mustaqabalkuna waa inuu ku salaysnaado khayr iyo wanaag. Taasi oo ubadkuna ku dayanayo wanaagga waalidka ka muuqda.
Abuu Hurayrah “RC” wuxuu yidhi: “Nebigu (scw) wuxuu yidhi: “Muslimiinta waxaa u iimaan sareeya kan ugu dabeecad wanaagsan; waxaana idiinku wanaagsan kuwiina dumarkooda u dabeecad wanaagsan”.  Waxa weriyay Tarmadi ( waana xadiis saxiix, xasan ah).

Leave a Reply