Isticmaalka Biyaha Niilka & ka faa’iidaysiga Dhaamka Itoobiya oo heshiis Laga Gaadhay

0
446

Dalalka Sudan Itoobiya iyo Masar ayaa maanta mab’da ahaan isla  gaadhay heshiis cusub oo ku saabsan sida loo qaybsanayo biyaha webiga niilka iyo sida looga  faa’iidaysanayo biyo xidheenka weyn ee Itoobiya.
Wasiirada wasaaradaha arimaha dibada ee dalalka Sudan Masar iyo Itoobiya ayaa maanlintii shalay oo jimce ahayd kaga dhawaaqay Magaalada Khartuum inay mabda’ ahaan isla gaadheen heshiis seeska u dhigaya sida ugu suurogalsan ee loo qaybsan karo biyaha webiga niilka
Wasiirka arimaha dibada ee dalka Sudan Cali Karrate oo gebagebadii kulanka wasiirada ka hadlay waxa uu sheegay in sadexda dawladood ka wada shaqaynayaan iskaashiga dhexdooda iyo sidii looga wada faa’iidaysan lahaa biyaha webiga niilka iyo biyo xidheenka ay dhisayso dawlada itoobiya, waxana uu yidhi: ‘maanta waxaanu mabdi’iyan isla qaadanay ion aanu muujino kalsoonida dhexdayada iyo Wadashaqaynta dhinacyada badan ee aanu samayn karno, tanina waxay sii labanlaabi doontaa in aanu hore uga socono halka aanu joogno’
Wasiirka reer Suudaan oo sheegay inay heshiiska wasiiradu gaadheen u gayn doonaan madaxda sadexda dawladood Ayaan haba yaraatee faahfaahin qodobada uu heshiisku ka kooban yahay.
Dhankiisana wasaiirka arimaha dibada ee dalka Masar Saamix Shukri ayaa isna sheegay in heshiiskan cusub oo kor u qaadi doono iskaashiga sadexda dawladood, gaar ahaan dhinacyada farsamada iyo siyaasadda.
Wasiirka Arimaha dibada ee dalka Itoobiya Tedros Adnahom oo isna kulanka wasiirada ee magaalada Khartuum ka hadlay waxa uu hoosta ka xariiqay sida ay dawladiisa Itoobiya raalliga uga tahay natiijooyinka ka soo baxay kulankaasi oo ku qabsoomay magaalada Khartuum, waxana uu yidhi: ‘heshiiskan cusub waxa uu  weji cusub u furayaa iskaashiga wadamadan, dhankayagana waanu ixtiraami doonaa‘.
 

Leave a Reply