4-Ta Nooc Ee Ah Shaqaalaha Ugu Dhibka Badan Iyo Sida Loo Xaliyo

0
400

Hadii aad madax ka tahay shirkad , shaqaale badan uu kula shaqeeyo waa hubaal in aad aragto shaqaale dhib badan oo ay adag tahay in aad la shaqayso. Waxa aan halkan ku sooqaadanayaa 4 nooc oo ah shaqaalaha ugu dhib ka badan iyo sida loo xaliyo. Hadii aadan xaalin dhibka shaqaalahaa waxa u noqonayaa sida cudur faafa oo saameeya shaqaalaha intiisa kale. Waxa aad muhiim u ah inta aysan ku faafin cudur ka ay qabaan shaqaalaha intiisa kale in aad ka hor tagto, u digto , fursad aad siiso in ay is badal sameeyaan hadiise aysan dhincin aad shaqada ka cayriso.
Waxaynu toddobaadkii hore kusoo qaadanay 2 nooc oo ka mida 4 nooc ee shaqaalaha dhib ka badan , waxaynu qormadana kusoo qaadanaynaa labadii qodob ee ugu danbeeyay waxaana ay kala yihiin:
GOONI SOCOD AH.
Waa shaqaale isku arka in shaqaalaha intiisa kale uu ka aqoon iyo caqli badan yahay oo hadana gooni socod ah. Inta badana ku hadla waxyaabo shaqaalaha kale aan ku haboonayn ama ka caraysiiya. Taas oo abuuri karta nacayb iyo kala fogaasho soo dhex gashaha shaqaalaha shirkada.
Waqtigan casriga shirkadaha caalamku waxa ay ku shaqeeyaan “WADA SHAQAYN”, taas oo la ogaaday in wax soosaar ka ugu badan ee shaqaaluhu uu ku xiran yahay wada shaqayn ta. “ far kaliya fool ma dhaqdo”. Ma jiro qof kaligiis isku filan. Waa in shaqaalahu yahay mid la shaqeeya shaqaalaha kale marka ay timaado mashaariic wadaag ah loo wada qabto si niyad iyo hagar la’aan ah.
XAL:
Qof ka nuucan ah kuma haboona in uu ka shaqeeyo shirkada tartan ganacsi ku jirta. Iska cayri shaqaalaha dabeecadan leh sababta oo ah wax soosaar fiican ma lahan.
KUU SHEEKEEYE , KAA SHEEKEEYA.
Waa shaqaale caan ku ah isku dirka iyo xanka oo mar kasta kuu soo gala xafiis ka isagoo kaaga sheekaynaya shaqaalaha kale. Shaqaale mar kasta cabanaya oo dhib sheegta. Qof jecel in markasta dad ka kale ceeb kooda iyo dacwo ka sheegta. Waa qof sifaysan eed sheegasho joogto ah aan laga gar bixin, aan garta qaadan. Raali galin aqbalin, oo mar kasta wax laga soo tagay hal keedi kasii wada.
XAL:
Udiga shaqaalahan in mar dambe uusan hadal kuu keenin. U sheeg waxa aad u baahan tahay oo kaliya in ay tahay in uu shaqadiisa qabto iyo hadii sharciga kambaniga la jabiyo in la ogaado, laakiin aan loo baahnayn in shaqaalaha kale uu ka sheekeeyo iyo in uu joojiyo eed sheegashada faraha badanoo uu dad ka la shaqeeyo. Hadii uusan isbadal samay, iska cayri shaqaalaha nuucan ah.
 
Noocyada shaqaalaha dhib ka badan kuma koobna 4 tan nuuc oo kaliy ee waxaa jira nuucyo
 
Xigasho: Qormo uu qoray Abdiqaadir Aaadan
 

Leave a Reply