Marwadda Koowaad Oo Boorame Kaga Qayb-gashay Xuska Maalinta Haweenka Adduunka

0
420

Boorame (Dawan)- Marwooyinka Qaranka kowaad iyo labaad ee Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland – Aamina Sheekh Maxamed Jirde iyo Raxma Xaaji Muxumed Suldaan, ayaa xuska maalinta caalamiga ah ee haweenka 8-da March kaga qaybgalay magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal.
 
Weftiga marwooyinka ee xuska maalinta haweenka u tagay Boorama oo ay wehelinayeen ilaa 13 haween masuuliyiin ah oo ay ka mid yihiin; Wasiir-ku-xigeennada Wasaaradaha Warfaafinta iyo Dib-u-dejinta, Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqal Insaanka, Agaasimaha Xafiiska Samofalka Madaxtooyada, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Haweenka, madaxda garabyada dumarka ee xisbiga KULMIYE, dumar xildhibaanno ka tirsan Golaha Degmada Gabiley iyo xubno kale, waxay ka qaybgaleen xaflad lagu qabtay huteelka Rays oo si wayn loogaga dabbaaldegay maalinta xuskan, taas oo ay goob-joog ka ahaayeen masuuliyiinta gobolka iyo heer degmoba.
Wasiir-ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Shukri Xariir Ismaaciil, Guddoomiyaha Komishanka Xuquuqal Insaanka Somaliland Fadxiya Xuseen Jaahuur, Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee xisbiga KULMIYE Marwo Canab Cumar Ileeye iyo xubno kale oo hadallo ka jeediyey xafladdaasi, ayaa ka warramay xuska maalinta haweenka iyo muhiimada hooyadu kaga jirto bulshada dalkeenna, waxaanay ku baaqeen in mar walba la dhawro ama la ilaaliyo xuquuqda dumarka.
Marwada koowaad ee Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamin Sheekh Maxamed Jirde (Aamin-weris), ayaa hambalyo iyo bogaadin u dirtay guud ahaan haweenka reer Somaliland xuska maalintan darteed, iyadoo u mahadcelisay ururka Qaranka Now iyo cid kastoo kala shaqaysay qabashada xafladdaasi oo tilmaantay inay sannadkan u doorteen Gobolka Awdal si ay ula farxaan dumarka ku nool.
“Haweenkeennu waxay hormood ka yihiin horumarka dalkeenna, quudinta iyo u shaqaynta qoysaskeenna, iyaga ayaa biilasha uga soo dira dibadda, kuwa gudaha joogaana iyaga ayaa haya masuuliyadda ugu wayn ee qoysaskeenna. Raggeena xaqbaan ugu leenahay inay na qiimeeyaan, waayo waxaannu nahay walaalahood iyo hooyooyinkood,” ayey tidhi Marwo Aamin-weris.
Marwada koowaad ee Madaxweynuhu waxay gaadiid mootooyinka dadka naafada ah guddoonsiisay haweenka naafadda lugaha ka ah ee ku nool magaalada Boorama si ula qaybsadaan maalinta farxadooda, waxa kaloo ay ballanqaaday inay sii wadi doonaan qaybinta gaadiidka naafada oo la gaadhsiin doono dadka naafada ku nool Boorama rag iyo dumarba.
Ugu dambaytii, Marwada kowaad waxay dhagax-dhigtay xarun Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu ku yeelan doonto magaalada Boorama ee Gobolka Awdal. Dhinaca kale sida uu ku soo waramayo weriyahayaga magaaladda Saylac  Maxamed Cawaale Daahir, xaflad lagu xusayay maalinta haweenka adduunka ayaa shalay lagu qabtay magaaladda  Saylac ee xarunta Gobolka Salal.
Munaasibadaasi  oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay  ayaa  waxaa lagu  qabtay Guriga dhaqaalaha ee Women’s Club-ka  Magaalada Saylac,  waxaana ka soo qayb galay  dadwayne  aad u tira badan oo isugu jiray Maamulka Gobolka Salal, kuwa Degmada Saylac, Haween,  Dhalin yaro  iyo ururada Bulshada Rayidka ah.
Munaasibadan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay Gudoomiyaha Ururka Haweenka ilays ee Degmada Saylac Marwo Muumina C/raxmaan,  waxaanay hambalyo  u dirtay Haweenka Somaliland oo ay ugu horayso marwo  Aamina Weris  waxay  sidoo kale bogaadisay Wasiirka cusub ee Wasaaradda  maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan.
Sidoo  kale  isna  halkaasi ka hadlay    goobtaasi Duqa Degmada Saylac Xuseen Iidle Barkhadle isagoo ku dheeraaday ahmiyada ay hooyadu uleedahay bulshada qaranka iyo kownkaba. Ugu dambayn waxa madashani soo gunaanaday Gudoomiyaha Gobolka Salal C/risaaq Waabari Rooble waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Hooyadu muhiimada iyo qiimaha  ay umada soomaalida ku dhex leedahay  waxaa kuu cadaynaya tusaale Dhulkeena hooyo! Iyo afkeena hooyo!lama yidhaahdo dhulka aabo iyo afka aabo midnaba.”
By: Maxamed Cumar Sheekh
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply