"Madaxwaynuhu Wuu Aqbalay Tabashadii Awdal,Mixille Waxaan Leeyahay Waxaan Kugu Jeclaanaynaa Waa Cadaaladda”

0
378

Hargaysa(Dawan):-Wasiirka Wasaarada Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Somaliland Maxamed  Jaamac  Abgaal ayaa sheegay inuu Madaxwayne Siilaanyo ka jawaabay tabashadii ay qabeen Beelaha  Gobolka Awdal  isla markaana imika Caddaalad looga baahan yahay iyo sinnaan uu Guddoomiyaha Ha’yada Shaqaalaha Dawladdu ugu xaq sooro shaqaale weynaha Somaliland.
 
Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhiista oo shalay ka qayb galay munaasibad ay xilka kula kala wareegayeen Guddoomiyaha cusub ee Ha’yadda Shaqaalaha Dawladda  Maxamed Mixile Boqore iyo Guddoomiyihii hore Nuux Sheekh Muuse Ducaale,ayaa halkaa ka jeediyay hadallo isugu jiray waano,dar-daaran iyo kaftan, waxaanu tilmaamay in xilka Ha’yada Shaqaalaha Dawladdu uu yahay ka ugu culus ee dalka laga qabto isla markaana cidda haysa looga baahan yahay xaqsoor  dhab ah iyo caddaalad ay u samayso shaqaalaha dawladda.
Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland ayaa hadalkiisa ku bilaabay sagootinta guddoomiyihii hore iyo erayo kaftan ah waxaanuyidhi “Horta saaxiibkay Nuux Sheekh Muuse Ducaale waan sagootiyay oo waliba si balaadhan ayaan u sagootinayaa,xilka  uu qaranka u soo qabtayna ILLAAHAY  ha ka abaal mariyo,Guddoomiyaha cusubna waxaan leeyahay tolkeen saaka   wuxuu leeyahay Madaxwaynihii  Tabashadii ayuu naga Aqbalayoo Hay’addii shaqaalaha ayuu noo dhiibay ,waxaanan  leeyahay Dabada u qabo oo midh ha ka Reebin reerka.”
 
“Waxaan leeyahay Malaa Sanadkan hore cidi isma cawryayso, Sanadka Hore iska dul-qaata  ayaan leeyahay,hadday dhacdo Mixiloow  oo ay  sidaas ahaato Tolkeen marnaba lagama maarmayo oo Iyana caddaalada ayay u baahan yihiin,qof walba marka qoyskiisa laga bilaabo waa masuul, markaas qof xil qaaday eed qaad cadaalada ayaa lagaaga baahan yahay ayaan ku leeyahay Mixilow,”ayuu intaas raaciyay Wasiirka Boosuhu.
 
 
 
“Annaguna waxaa  kugu jeclaanaynaa kuguna garab galaynaa caddaaladaas aad shacabka Somaliland ugu xaqsoorto shaqaalaha,waa shaqo culus,waana Haay’ad ka culus xil kasta oo Qaranka loo hayo,waana Warshadaa soo saaraysa shaqaalihii dawladda  ee shaqada u wada baahan masuuliyada adiga ku saarani maaha Shaqo fudud hawl Kar nimana waan kugu ogaa ee halkaa ka sii wad.”
Faysal Xiis  Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply