Xaflad Lagu Xusayay Maalinta Haweenka Adduunka oo Lagu Qabtay Hargeysa

0
403

Hargeysa (DAWAN)- Wasiirka Xigeenka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Marwo Shugri Xariir Ismaaciil horena u ahayd Wasiir xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo Shugri Xariir Ismaaciil,  oo ka hadashay xuska  xaflad lagu xusayay maalinta haweenka adduunka oo xalay lagu qabtay Huteelka Guuleed  ee caasimadda Hargeysa.
Wasiir Ku xigeenka warfaafinta Marwo Shugri Xariir Ismaaciil ayaa hadal ay ka jeedisay xafladaasi waxay ugu horayn haweenka Somaliland u dirtay dhambaal hambalyo ah oo ay uga siday marwadda koowaad ee Somaliland, waxaanay tidhi  “Ugu horeyn waxaan halkan ka salaamayaa guud ahaan haween weynaha caalamka, gaar ahaan haween-weynaha reer Somaliland.Waxa kale oo aan halkan idiinku sheegayaa fariin salaan ah o aan idiinka sido Marwada Koowaad ee Qaranka Somaliland Marwo Aamina X. Maxamed  Jirde oo xuska maalinta Haweenka kaga qayb-gashay magaalada Boorame.
 
Xuska 8 March waa maalin  guud ahaan Haweenka caalamka qiimo weyn ugu fadhida hal ku dhega  sanadka ee la isla qaatayna  (Waa ka farxi Hooyadaa), Run ahaana maalinta 8 March waa  maalin lagu qiimeeyo hal-gankii dheeraa ee dumarku u soo mareen xuquuqahooda aasaasiga ah, waxa maalintaa dumarka lagu dhawaaqay 1945-kii, xukuumadda  maanta jirta ee aan afkeeda idinkula hadlayaa iyada oo ka duulaysa dhammaan xeerarka iyo xuquuqaha jira, waxa ay aasaastay wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada oo ilaalinaysa dhammaan xuquuqda shaqaalaha dalka mid dawli ah iyo mid madax-banaan, waxaanay si gaar ah xil isaga saartaa arrimaha khuseeya haweenka iyo carruurta Somaliland.”
Marwo Shugri Xariir waxa ay Madaxweynaha Somaliland   ku ammaantay inuu  uu ka dhabeeyay balan-qaadkiisi xiliga doorashada waxayna tidhi “Haddii aynu dhammaanteen dib u eegno halkii uu ka bilaabay iyo halka uu maanta marayo dalkeennu iyo haddii aynu dib u eegno taariikhda Madaxweynaheena ee hal-gankii uu dalkani soo maray, waxaynu dhammaanteen garanaynaa inuu Madaxweynaha Somaliland uu  u qalmo in mar labaad la doorto oo aynu codkeena siino.”
Wasiirku  waxa ay Haweenka   ugu baaqday inay doorashada soo socota ee Baarlamaanka isa soo sharaxaan codkoodana dumarka siiyaan.
Waxa kale oo ay Marwo Shugri Xariir, sheegtay madaxweynaha Somaliland inuu dedaal u galay in doorashooyinka Wakiiladda ee lagu wado inay dalka ka dhacdo haweenka loo qoondeeyo kuraasi gaar ah oo ay kaligood ku tartamaan. Waxaanay xustay in xeerkaasi uu madaxweynuhu u gudbiyay Golaha Wakiiladda oo ay ku dooday in loo baahan yahay inay sidiisa ku meel-mariyaan.
 
 
Waxa kale oo ka hadlay munaasibadaasi  Gudoomiyaha hay’adda xuquuqal insaanka qaranka, Marwo Fadxiya Xuseen, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Xaliimo X. Cabdilaahi iyo Guddoomiye xigeenka Ururka NOW Yurub Abiib, Agaasimaha Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada  dhammaantood haweenka ku dhiirigaliyay in ay wada jirkooda ilaaliyaan.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply